Kulankan oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa waxa ka hadlay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dheeraaday in Wasaaraddu markasta safka koowaad kaga jirto difaaca dalka iyo ilaalinta gobanimada dadka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in ay door weyn ka qaadanayaan Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid dh dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, Mudaaharaadkan ayaa maalinta khamiista ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.
Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa waxa ka socda mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya.