Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isku raacay in la qaado imtixaanka shahaadiga ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dowladda oo ciidamo la dagaallama Al-Shabaab ku daabushay Gedo

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qado Sharaf u sameeyay Isimada Puntilad iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga oo Qado Sharaf u sameeyay Isimada Puntilad iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qado Sharaf u sameeyay Isimada Puntilad iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In