Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.
Waxaa imtixaanaadka Caasimada Dowladda Galmudug ka daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mursal Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda.
Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22 Xarun imtixaan oo kukalayaal 12 Degmo ee Goboladda Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka gala.