Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay shahaado cusub oo aan la been abuuri karin

August 18, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay shahaado cusub oo aan la been abuuri karin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kormeeray xarun Wasaaradda ugu talagashay in lagu bixiyo shahadooyinka ardaydii ku guuleysatay Imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018 ee ka dhacay bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay xarunta iyo sida ay u shaqeeyaan howlwadeenada, isagoo dhinaca kale halkaasi kula kulmay waalidiin iyo arday ka mid ah kuwii ka baxay dugsiyada sare oo uu ka dhageystay warbixin.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo kormeerka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin nuuca shahaado ee ay Wasaaraddu soo saartay iyo tirade ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka .

“Waa maalin Taariikhi ah waa maalin ay Wasaaradda Waxbarshada ku talaabsatay. waa Qeyb cusub oo daryeelka tacliinta Soomaaliyeed wax weyn ka badalaysa, qeybtan waxa ay tahay qeyb laga bixinayo shahaadooyinka Sanad dugsiyeedka 2017-2018, Wasaaradda waxa ay soo kordhisay shahaado nuuc cusub ah oo ka duwan kuwii hore, isla markaana aan laga been abuuri Karin” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Maxamed Yuusuf Ibraahim oo ka mid ah ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare kuna guuleystay Imtixaankii dowladda,’ ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan shahaadada la guddoonsiiyay.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii tayeyn lahaa waxbarashada dalka, si loo soo saaro arday aqoon leh oo ka qeyb qaadata horumarka dalka.

 

 

Previous Post

Kofi Annan oo maanta geeriyooday

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” u magacaabay la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” u magacaabay la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta C/qaadir Maxamed Nuur “Jaamac” u magacaabay la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In