Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanad Xoolaha oo bilowday mashruuc looga hortagayo xaalufinta  dhirta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanad Xoolaha oo bilowday mashruuc looga hortagayo xaalufinta  dhirta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaarada Xanaadanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa maanta daahfurtay mashruuca ka hortaga xaalufka dhirta, waxaana  ka soo qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga mudane Maxamed Cumar Caymooy, Wasiir ku-xigeenka Batroolka mudane Maxamed Axmed Kulan, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha mudane Cabdinaasir Gaarane, Wasiirka Deegaanka Koonfur Galbeed mudane Macalin Jiis, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Galmudug mudane Maxamed Aden Qalab Xoor, Agaasimaha Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland mudane Cabdirisaq Maxamed Cali, Wasaarada Biyaha iyo Tamarta, Wasaarada Qorshaynta Qaranka, Wasaarada Amniga iyo Hay’adaha  UNDP, UNEP iyo FAO.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa mudane Siciid Xuseen Ciid oo Wasaaraddiisu ay soo qaban qaabisay daahfurka mashruucaan oo shirka furay ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ay ku hayso xaalufinta dhirta xoolaha iyoosuuq gayntooda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026

“Barnaamijkaan nuxur kiisu waa joojinta dhirta, waxaa meelaha qaarkood lagu qiyaasay malaayin geed in la jaray, mana jirto dhir la beero oo badasha geedahaas la jaray, waxaad ogtihiin qiimaha xoolaheenu ay ku leeyihiin aduunka waa daaqa dhirta dabiiciga ah, halka xoolaha kale aduunka ay cunaan calaf iyo dawooyin la siiyo”.

“Hadii dhirta la xaalufiyo ma suurta galayso in xooluhu ay helaan daaq ku filan, aduunka xoolaha la dhoofinayo waxaa lagu qiimeeyaa culayskooda, Lo’da marka la dhoofinayo  waxaa laga rabaa 300 kg, Arriga 30kg, xoolaheena dhibka haysta waxaaa dhacda marar badan in miisaankooda uusan  buuxin si meel kasta loogu dhoofiyo”. Ayuu sheegay wasiirka.

“Mashruucaan wuxuu ka dhaxeeya Wasaarda aan kor ku xusanay, iyo maamulada dalka ka jira, waana lagama maarmaan in qolo walba ay kaalinteeda qaadato,  waxaa nasiib wanaag ah in shirkaan ku soo beegmay iyadoo suuqii ugu weynaa ee dalka Sacuudiga oo loo iib gayn jiray dhuxusha ay si rasmi ah u sheegatay inay san aqbalayn in la keeno wax dhuxul ah dalkooda”. ayuu yiri Wasiir Ciid.

Sidoo kale shirkaan oo ay ka soo qayb galeen wakiilo kala socday maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa dareenkooda ka muujiyey dhibaatooyinka xaalufinta ee ka jira deegaanada ay maamulanaa ayaa sheegay in si wada jir ah laysaga kaashado sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta, loona samayn lahaa wacyi galinta bulshada.

Dhanka kale, khubarada ka qayb galaysay daahfurka mashruucaan ayaa sheegay in  Dhibaatooyina dadku ay u jarayaan geedaha ay ka mid ah tahay dadka oo aan haysan fursado shaqo, waxaa kale oo ay sheegeen in ay  sabab u ah joojintii la joojiyey dhoofinta xoolaha, hay’daha amniga oo aan xooganayn kuwaas oo la rabay iney ka hortaan.

Ugu dambayntii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo maamulada gobolada ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in la dhiso Hay’adihii ka shaqayn lahaa iskana kashaan lahaa joojinta xaalufinta dhirta, layslana qaato mooqif midaysan ee oo ay iska kaashaanyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulad Gobolada, waxaana gabagabadii kulanka la soo jeediyey qodobadaan soo socda:

  1. In la dajiyo siyaasad iyo sharci laga dhaqan galiyo dhamaan dalka oo dhan.
  2. In la dhaqan galiyo qaraarkii goloaha Amaanka oo lagu joojinayey dhoointa dhuxusha Soomaaliya oo No: 2036 soona baxay sanadii 2012.
  3. In aqoon kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda iyo bulshada inteeda kale si meel loga soo wada jeesto ka hortaga xaalufinta dhirta.
  4. Dadka jilicsan ayaa ku lugta leh ka ganacsiga dhuxusha, waana in dadkaas loo abuuro shaqooyin.
  5. In la helo waxyaalo kale oo looga maarmo adeegsiga dhuxusha oo ay dadku wax ku karsankaraan.
  6. In wada shaqayn la helo ka dhaxaysa dowlada federaalka iyo maamulada gobolada iyo wadamada dariska ah.
  7. Dhulkii la xaalufiyey in dib dhir loogu talaalo.
Previous Post

Ifraax Macalin Axmed oo haweenka ku xiran xabsiga dhexe kaalmo gaarsiisay.SAWIRRO

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan...

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

Agaasime Mahad Salaad oo booqday xarunta NISA ee gobolka Galgaduud

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta kormeeray xarunta Ciidanka NISA ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In