Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo xustay Maalinta Dhirbeerista Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo xustay Maalinta Dhirbeerista Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Weeneynta xuska maalinta dhir beerista Qaranka Soomaaliyeed oo ku beegan 17 April  iyo daahfurka Olale  dalka oo dhan loogu beerayo Hal miyan oo geed ayeey ku saabsaneyd munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Isla markaana Masuuliyiinta Wasaaradda , guddoomiyaasha degmooyinka waaberi iyo Xamar jajab, qeybaha kala duwan ee shaqalaha Wasaaradda iyo marti sharaf kale.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026

Munaasabada oo lagu soo bandhigay cilmi baaris lagu sameeyay Faiidada ay dhirtu leedahay iyo Dhibaatada uu nabaad guurku xambaarsanyahay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cumar Nuur wuxuuna Dhir beersita ku tilmaamay waajib diini ah oo loo baahnyahay in laga shaqeeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Dhirta iyo Daaqa mudane Cabdikariin Khaliif Dalac Ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dadaal ku bixisay sidii Looga hortegi lahaa jarida iyo dhoofinta dhirta maadama ay faaido u leedahay dadka iyo duunyadaba.

Wasiirka  Xanaanada xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS mudane  Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  ayaa shegay in iyaga oo fulinaya barnaamijka tubta dhaqaalaha ee xukuumadda ay laba sano gudahood ku beeri doonaan Hal Milyan oo geed oo laga abuuri doono dalka oo dhan, Wasiirka ayaa intaa ku daray  in Dhirta ay muhiim u leedahay Noolaha, Deegaanka iyo Cimilada wuxuuna xusay in Wasaaraddu ay gacanta ku heyso Sharci ka hortagaya xaalufinta dhirta kaas oo dambiile ka dhigi doona qof walba oo lagu helo jaridda Dhirta.

Ugu dambeyn Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa daahfuray Olalaha dalka oo dhan loogu beerayo Halka Milyan oo Geed, wuxuuna shacabka soomaaliyeed ugu baaqay ineey ka shaqeeyaan sidii dalka oo dhan dhir beeris loogu sameyn lahaa.

 

 

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Daah-furay Olole lagu Beerayo Hal Milyan oo Geed “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Suba

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Suba

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

January 6, 2026
0

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In