Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dawladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ku wareejiyay wasiir ku xigeenka Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta Jubbaland, in ka badan 400 oo kutubta Quraanka kariimka qawlkii eebbe oo loogu tala galay in lagu horumariyo dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.
kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xldhibaan Axmed Ugaas oo ah gudoomiyaha guddiga Cadalada iyo arimaha diinta ee golaha wakiillada Jubbaland, gudoomiyaha maxkamadda gobolka Jubada hoose, wasiir ku xigeenka cadaladda dastuurka arrimaha diinta Jubbaland iyo wasiir ku xigeenka diinta iyo awqaafta xukumada Soomaaliya.
Gudoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada hoose Axmed nuur iyo xildhiban Axmed Ugaas gudoomiyaha gudiga cadaaladda iyo arrimaha diinta ee golaha wakiilada jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa wax baridda ubadka.
Wasir ku xigenka cadalada dastuurka iyo arrimaha diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar ayaa xusay in dhiiri galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto diinta ay tahay mid waajib ah.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumadda federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada Soomalaiya ay ka go’an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.