Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaradda Caafimaadka oo la wareegtay Isbitaalada Banaadir iyo Martini (Warbixn)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasaradda Caafimaadka oo la wareegtay Isbitaalada Banaadir iyo Martini (Warbixn)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal ay kula wareegeyso goobo badan oo ay laheyd, islamarkaana loogu adeegi jiray Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah Goobihii Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii ay horey gacanta ugu jiray Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyadoo ay jireen Goobo badan ee Waxbarasho oo ay Dowladdu la wareegtay, ayna bixiso Mushaarka Macallimiinta ayaa hadana waxaa jira in la bilaabay inay la wareegto Isbitaalo ay ka mid yihiin Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo kii Martiini.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah Kula Wareegtay Isbitaaladda Banaadir Iyo De Martino ee Magaalada Muqdisho, haddaba Xaflad si weyn loo soo agaasimay kuna saabsaneyd Xilalka ayay ku kala wareegayeen Agaasimayaasha Cusub ee Isbitaaladda Banaadir Iyo De Marino ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Maamulkii hore Isbitaalka Banaadir Dr: Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu wax badan ka soo shaqeeyay Isbitaalka haddana uu yahay howlgab, islamarkaana uu diyaar u yahay in la badalo, balse uu doonayo in Dowladdu Isbitaalka gaarsiiyo ilaa heer caalami ah.

Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Banaadir oo iyana halkaasi ka hadashay waxayna sheegtay iyadoo fulineysa dardaarkii ay u soo jeediyeen Maamooyinka, Dr: Cabdirisaaq iyo masuuliyiinta Dowladda inay diyaar u tahay inay ku shaqeyso doonista shaqaalaha iyo bukaanada Isbitaalkaasi, waxayna codsatay in lala shaqeeyo.

Isbitaalka Banaadir ayaa la dhisay 1977-kii waxaana dhismihiisa hirgalisay Dowladda Shiinaha Dadka, waxaana loogu talagalay in loogu adeego Hooyada Umuleysa iyo Dhallaanka oo kaliya, balse markii uu burburkii dalka ka dhacay ayaa waxaa u istaagay inuu howshiisa sii wato NGO-yo isu taagay inay sii socoto adeegyadii loo qaban jiray Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale kala wareegtay Hey”adda IIDA Isbitaalka Martiin ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaasi waxa ka hadlay Dr.Cabdi Ibraahim iyo Xildhibaan Sahra Cumar waxay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku wareejiyaan masuuliyadda Isbitaalkaasi Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, waxayna caddeeyeen in xilligan wixii ka dambeeya uu Isbitaalku hoos imanayo Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo xusay in ay Isbitaalka deegaan ku yihiin Halgamayaa ku naafoobay Dagaalka Itoobiya iyo Soonaaliya ee 1977-kii iyaga iyo Xaasaskooda iyo Carruurtoodaba, loona baahan yahay inla sii joogteeyo daryeelkooda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drsa: Fowsiyo Abiikar oo gabagabadii munaasabaddaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in si nabdoon ugala wareegeen maamulidda ama hoos keenida Wasaaradda Caafimaadka Isbitaalka Martini, iyadoo xustay in muhiimad gaar ah u leeyahay Isbitaalku kororka Dhallaanka oo ay ku dhalaan Hooyooyinku yo in Dhallinyarada ka soo baxaya Kulliyada Caafimaadka ay ku tababartaan.

Isbitaalka Martini waa kan ugu faca weyn Isbitaalada Dalka ku yaal gaar ahaan Magalada Muqdisho, waxaana la dhisay abbaarihii 1952-kii, waxaana loogu magic daray Ninl a oran jiray Enrico Martino oo u dhashay Dalka Talyaaniga, waana xilligii Isticmaarka, waxaana loo dhisay Ciidamadii Isticmaarka.

Haddaba waa guul in ay mar kale Dowladda Soomaaliya la wareegto Isbitaalada ugu faca weyn Dalka, waxaana la dheehan karaa dadaalada ay wado wasaaradda Caafimaadka inay maamusho Isbitaalada, damaanad qaadanna Xuquuqda Shaqaalaha iyo daryeelka Shacabka Soomaaliyeed.

W.D. C/laahi Ruush

Xigasho: SONNA

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in Soomaaliya laga furi doono Xabsiga ugu casrisan Afrika

Next Post

Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere “SAWIRRO”

Next Post
Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere “SAWIRRO”

Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In