Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaradda Caafimaadka oo la wareegtay Isbitaalada Banaadir iyo Martini (Warbixn)

admin by admin
February 7, 2019
in Wararka
0
Wasaradda Caafimaadka oo la wareegtay Isbitaalada Banaadir iyo Martini (Warbixn)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal ay kula wareegeyso goobo badan oo ay laheyd, islamarkaana loogu adeegi jiray Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah Goobihii Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii ay horey gacanta ugu jiray Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyadoo ay jireen Goobo badan ee Waxbarasho oo ay Dowladdu la wareegtay, ayna bixiso Mushaarka Macallimiinta ayaa hadana waxaa jira in la bilaabay inay la wareegto Isbitaalo ay ka mid yihiin Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo kii Martiini.

Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah Kula Wareegtay Isbitaaladda Banaadir Iyo De Martino ee Magaalada Muqdisho, haddaba Xaflad si weyn loo soo agaasimay kuna saabsaneyd Xilalka ayay ku kala wareegayeen Agaasimayaasha Cusub ee Isbitaaladda Banaadir Iyo De Marino ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Maamulkii hore Isbitaalka Banaadir Dr: Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu wax badan ka soo shaqeeyay Isbitaalka haddana uu yahay howlgab, islamarkaana uu diyaar u yahay in la badalo, balse uu doonayo in Dowladdu Isbitaalka gaarsiiyo ilaa heer caalami ah.

Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Banaadir oo iyana halkaasi ka hadashay waxayna sheegtay iyadoo fulineysa dardaarkii ay u soo jeediyeen Maamooyinka, Dr: Cabdirisaaq iyo masuuliyiinta Dowladda inay diyaar u tahay inay ku shaqeyso doonista shaqaalaha iyo bukaanada Isbitaalkaasi, waxayna codsatay in lala shaqeeyo.

Isbitaalka Banaadir ayaa la dhisay 1977-kii waxaana dhismihiisa hirgalisay Dowladda Shiinaha Dadka, waxaana loogu talagalay in loogu adeego Hooyada Umuleysa iyo Dhallaanka oo kaliya, balse markii uu burburkii dalka ka dhacay ayaa waxaa u istaagay inuu howshiisa sii wato NGO-yo isu taagay inay sii socoto adeegyadii loo qaban jiray Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale kala wareegtay Hey”adda IIDA Isbitaalka Martiin ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaasi waxa ka hadlay Dr.Cabdi Ibraahim iyo Xildhibaan Sahra Cumar waxay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku wareejiyaan masuuliyadda Isbitaalkaasi Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, waxayna caddeeyeen in xilligan wixii ka dambeeya uu Isbitaalku hoos imanayo Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo xusay in ay Isbitaalka deegaan ku yihiin Halgamayaa ku naafoobay Dagaalka Itoobiya iyo Soonaaliya ee 1977-kii iyaga iyo Xaasaskooda iyo Carruurtoodaba, loona baahan yahay inla sii joogteeyo daryeelkooda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drsa: Fowsiyo Abiikar oo gabagabadii munaasabaddaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in si nabdoon ugala wareegeen maamulidda ama hoos keenida Wasaaradda Caafimaadka Isbitaalka Martini, iyadoo xustay in muhiimad gaar ah u leeyahay Isbitaalku kororka Dhallaanka oo ay ku dhalaan Hooyooyinku yo in Dhallinyarada ka soo baxaya Kulliyada Caafimaadka ay ku tababartaan.

Isbitaalka Martini waa kan ugu faca weyn Isbitaalada Dalka ku yaal gaar ahaan Magalada Muqdisho, waxaana la dhisay abbaarihii 1952-kii, waxaana loogu magic daray Ninl a oran jiray Enrico Martino oo u dhashay Dalka Talyaaniga, waana xilligii Isticmaarka, waxaana loo dhisay Ciidamadii Isticmaarka.

Haddaba waa guul in ay mar kale Dowladda Soomaaliya la wareegto Isbitaalada ugu faca weyn Dalka, waxaana la dheehan karaa dadaalada ay wado wasaaradda Caafimaadka inay maamusho Isbitaalada, damaanad qaadanna Xuquuqda Shaqaalaha iyo daryeelka Shacabka Soomaaliyeed.

W.D. C/laahi Ruush

Xigasho: SONNA

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in Soomaaliya laga furi doono Xabsiga ugu casrisan Afrika

Next Post

Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere “SAWIRRO”

Next Post
Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere “SAWIRRO”

Ciidan tababbar loogu soo xiray Baardheere "SAWIRRO"

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In