Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle “Dalal badan ayaa doonaya inay safaarado ka furtaan caasimadda” SAWIRRO+DAAWO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle “Dalal badan ayaa doonaya inay safaarado ka furtaan caasimadda” SAWIRRO+DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo maalgeshiga ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii uu ka soo degay garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxa ku soo dhaweeyay xilhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno kale, waxaana shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha garoonka kaga hadlay socdaal uu kaga soo laabtay dalka Cuman, halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi Dr Yuusuf Al-Calawi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo inay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xusay in dhigiisa Cumanan ay isla soo hadal qaadeen inay dib u furtaan safaaradii ay ku lahaayeen dalka, ayna dhawaan Muqdisho u soo diri doonaan wafdi indho indheeya halka ay safaarad ka furanayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

“Waxaan ka wada hadalnay in ay dib u furtaan safaaraddooda, ayna soo dirsadaan wafdi horudhac ah oo indho indheeya halka ay degayaan, runtii arrimo kale ayaynu ka wada hadalnay oo ay ka midtahay inay wax u qabtaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cuman ku nool” ayuu yiri Mudane Beyle.

Siihayaha Wasiirka arrimaha dibadda iyo maalgeshiga Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya uu kula kulmay safiirada dalalka Koonfur Kuuriya iyo Jabaan ee Soomaaliya u qaabilsan kuwaasi oo uu kala hadlay inay halkan ka furtaan safaaradahooda, ayna ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isagoo xusay in ay jirto lacago dowladda Jaban ay ugu talagashay in wax loogu qabto bulshada Soomaaliyeed.

“Safiirka Koonfur Kuuriya waxaan ka wada hadalnay in ay tababaro siiyaan shaqaalaha Wasaaradda oo dhanka diblomaasiyadda ay ka baraan, sidoo kale safiirka Jabaan waxaan isla aragnay lacago ay dowladda Japan ugu talagashay in Soomaaliya wax loogu qabto, kuwaasi oo aan raadinaynay halka ay ku bixinayaan, wuuna noo sheegay in hay’ado gaar ah ay lacagta u dhiibeen si mashaariic horumarineed loogu fuliuyo” ayu u markale Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xusay in shirka Jaamacadda Carabta ee bisha Marso ee sanadkan ka furmaya magaalada Sharma-sheeq ay horgeyn doonaan qorsheyaal la xiriiira sidii ay Soomaaliga uga caawin lahaayeen dib u dhiska dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka saaxiibtimo ee la leedahay wadamada caalamka.

DAAWO

vlcsnap-2015-01-22-12h24m16s111

vlcsnap-2015-01-22-12h24m43s128

vlcsnap-2015-01-22-12h24m54s242

vlcsnap-2015-01-22-12h25m00s44

vlcsnap-2015-01-22-12h25m04s96

vlcsnap-2015-01-22-12h25m08s130

vlcsnap-2015-01-22-12h25m12s166

vlcsnap-2015-01-22-12h25m15s203

vlcsnap-2015-01-22-12h25m18s238

vlcsnap-2015-01-22-12h25m25s10

vlcsnap-2015-01-22-12h25m30s81

vlcsnap-2015-01-22-12h25m37s163

vlcsnap-2015-01-22-12h25m43s210

vlcsnap-2015-01-22-12h25m48s6

vlcsnap-2015-01-22-12h26m15s14

vlcsnap-2015-01-22-12h26m34s216

vlcsnap-2015-01-22-12h26m37s3

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO-Dowladda Turkiga oo sheegtay in Socdaalka Madaxweynaha Wadankaas Ee Muqdisho uusan saameyn ku yeelan doonin Qaraxii Maanta.

Next Post
DAAWO-Dowladda Turkiga oo sheegtay in Socdaalka Madaxweynaha Wadankaas Ee Muqdisho uusan  saameyn ku yeelan doonin Qaraxii Maanta.

DAAWO-Dowladda Turkiga oo sheegtay in Socdaalka Madaxweynaha Wadankaas Ee Muqdisho uusan saameyn ku yeelan doonin Qaraxii Maanta.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In