Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in affartii bilood ee la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samaysay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka Maaliyadda, xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay Teknoloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta Canshuuraha.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026

”Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka afartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in %30 inuu kordhay sanadkaan dakhliga Dowladda. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in horumar laga sameeyay hannaanka canshuur aruurinta Dowladda. taasi oo uu ku sheegay inay tahay sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomkaaliya ayaa sidoo ka hadlay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, halka uu marayo iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miradhalinta in la gaaro guusha Deyn Cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu hormumr wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guullo wax ku ool ah oo laataban karo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka miradhaliso barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo soo gaabiyo HIPC ee Soomaaliya ay kala shaqaynayso Dowladda Federaalka Hey’adda IMF.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed o soo saaray War-saxaafadeed

Next Post
Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed o soo saaray War-saxaafadeed

Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed o soo saaray War-saxaafadeed

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 7-da February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬e 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐁𝐢𝐥𝐥𝐢𝐜𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Muqdisho, Sabti, 07 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In