Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ceynte Oo La Kulmay Soomaalida Magalada Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 1, 2015
in Wararka
0
Wasiir Ceynte Oo La Kulmay Soomaalida Magalada Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyada ayaa ka muuqatay Farxad gaar ah iyago u hamuun qabay soo dhaweynta Wasiirka iyo in uu warbixin guud ka siiyo xaalada uu dalka Soomaaliya marayo.

Jaaliyada ayaa Su’aalo la xariira xaalada dalka weydiiyey Wasiirka isagoo ka wada jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxana goobta ka hadlay oo jaaliyada matalayey Sheekh C/raxmaan Shariif oo ka mid ah culumada gobolka Minnesota ayaa wasiirka ku ammaanay howl karnimadiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan Somalia, isagoo ugu duceeyay in Illaahey u fududeeyo shaqadiisa Wasiirka iyo guud ahaan madaxda dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

Dadka Kulankani ka qeyb galay ayaa waxa ay u badnaayeen Aqoonyahano, Dhalinyaro, Culumaa’udiin, Waxgarad, iyo Dumarka Soomaaliyeed iyagoo si gaar ah iyo guud ba uga hadlay sidii ay kaalintooda uga qeyb qaadan karaan dib u dhiska dalka.

Waxaa Makarafoonka lagu soo dhaweeyey Wasiirka isagoo ka warbixiyey xaalada dalka uu marayo, “Ma jirto cid aan Al-shabaab ahayn oo diiddan Dowlanimada dalka iyo nolosha ummadda Soomaaliyeed, iyaguna waa soo dhammaan doonaa,” ayuu yiri C/ramxaaan Caynte.

“Markii aad dalka ka fiiriso dhinacyo badan waxaa kuu muuqaneyso in rajadu ay soo noqoneyso, waayo waxaa soo noolaanaya nolosha iyo kalsoonida qofka Soomaaliyga, gaar ahaan waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee aas-aasiga ah” ayuu sii daba dhigay Wasiir Caynte –  agaasimihii hore ee machadka daraasaadka siyaasadda iyo cilmibaarista ee  Heritage.

Mar uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda dalka ayuu sheegay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. “Xukuumadda iyo baarlamaanku waxay isla afgarteen inaysan dhici karin doorasho ay codkooda ku dhiiibtaan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, laakiin waxaan umada Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inaysan dhici doonin muddo kororsi” ayuu yiri Mudane Caynte.

_MG_2210 _MG_2212 _MG_2218 _MG_2230 _MG_2235 _MG_2236 _MG_2237 _MG_2238 _MG_2241 _MG_2242 _MG_2244 _MG_2245 _MG_2248 _MG_2251 _MG_2256 _MG_2257 _MG_2260 _MG_2271 _MG_2281 _MG_2295 _MG_2301 _MG_2345 _MG_2347 _MG_2356 _MG_2358 _MG_2363 _MG_2368 _MG_2373 _MG_2386 _MG_2393 _MG_2395 _MG_2402 _MG_2415 _MG_2426 _MG_2431 _MG_2434 _MG_2435 _MG_2441 _MG_2444 _MG_2448 _MG_2449 _MG_2451 _MG_2457 _MG_2466 _MG_2477 _MG_2486 _MG_2487 _MG_2488 _MG_2489 _MG_2495 _MG_2497 _MG_2499 _MG_2500 _MG_2505 _MG_2506 _MG_2507 _MG_2512 _MG_2513 _MG_2514 _MG_2519 _MG_2521 _MG_2524 _MG_2526 _MG_2529 _MG_2560 _MG_2569 _MG_2580 _MG_2582 _MG_2583 _MG_2584

Liban Husein

Minneapolis, Minnesota

Previous Post

Xildhibaano Guddoonka Barlamaanka U Gudbiyay Soo Jeedin Lagu Laalayo Mooshin ay Horay M.weynaha Uga Keeneen Xilibanno Kale oo Baarlaanka ka tirsan+Dhageyso

Next Post

Xulka Qaranka Ee Cayaaraha Fudud Oo Congo Uga Qeybgalaya Ciyaaraha All African Games 2015+Sawirro

Next Post
Xulka Qaranka Ee Cayaaraha Fudud Oo Congo Uga Qeybgalaya Ciyaaraha All African Games 2015+Sawirro

Xulka Qaranka Ee Cayaaraha Fudud Oo Congo Uga Qeybgalaya Ciyaaraha All African Games 2015+Sawirro

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In