Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini: “Hawlgalka lagu Xoreeyey Baardheere, wuxuu hordhac u yahay Qabashada iyo Xasilinta goobaha ay ku hareen Al-Shabaab”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 23, 2015
in Wararka
0
Wasiir Diini: “Hawlgalka lagu Xoreeyey Baardheere, wuxuu hordhac u yahay Qabashada iyo Xasilinta goobaha ay ku hareen Al-Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalada ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baardheere oo ahayd goob muhiim ah oo kooxaha Al-shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.

Gen Diini, ayaa sheegay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada AMISOM in ay wadeen xilliyadii ugu danbeeyey weerar ballaaran oo saddex geesood ah oo lagu xoreynayay meelaha ay weli ku sugan yihiin kooxda nabad diidka ah ee Shabaab, isagoo xusay in gulufkan uu qayb ka yahay dadaalka dalka looga sifaynayo haraadiga kooxdan dhiigyacabka ah.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran iyo difaacidda dalkooda hooyo, waxay qaadeen dhowr weerar oo ka socda aagagga kala ah Jubbooyinka, Bay iyo Bakool. Weeraradaasi oo natiijo fiican laga gaaray, waxaa lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ay ka mid tahay degmada muhiimka ah ee Baardheere, tuulooyin iyo dhul miyi ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo intaasi raaciyey in ciidamadu ay xasilin doonaan degaanada ay gacanta ku dhigeen, ayna sii wadayaan gulufkan ka dhanka ah meelaha ay joogaan maleeshiyada Shabaab.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxay xilliga dhow ee soo socda qaban doonaan degaano muhiim ah oo laga saari doono kooxda Shabaab ee caadaysatay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah iyo burburinta hantidooda. Howlgalladan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka lagu xasilinayo dhammaadka sannadkan, waxana rajayneynaa in shabaab la soo afjaro sannadkan gudihiisa”ayuu raaciyey Wasiir Diini.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda AMISOM, waxuna ku bogaadinayay xoojinta guushan la gaaray. Isagoo ugu baaqay shacabka degmada Baardheere in ay la shaqeeyaan Ciidamadda si loo sug

Previous Post

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyha J. F. S. oo ka socota Cadaado

Next Post

Beledweyne oo laga mamnuucay gaadiidka leh murayada madow

Next Post
Beledweyne oo laga mamnuucay gaadiidka leh murayada madow

Beledweyne oo laga mamnuucay gaadiidka leh murayada madow

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In