Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini “Heshiiska Kismaayo wuxuu gacan ka geysan doonaa Dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
March, 16 2015…….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo, ayaa galabta soo gabagabeeyey shir dib –u-heshiisiin ah oo qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Maamulka Jubbaland u dhexeeyey.

Wasiir Diini, ayaa u mahadceliyay dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii ugu danbeysay maanta lasoo xiray, isagoo xusay in  tallaabo mihiim ah ay tahay  sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada noolaansho. Iyadoo maanka lagu hayo mar walba in ay jiri karaan caqabado marka xal la raadinayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan dhex mara dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

“kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii, heshiiskani  wuxuu gacan ka  geysan doonaa dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada iyo in guud ahaan aan ka xoreynta Soomaaliya cadowga ku soo duulay”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa  kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda. dalkeenuna u baahan yahay xasilooni,  taas oo lagu gaari karo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

——–DHAMMAAD—–
Previous Post

Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In