Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir dib loogu eegayo Dastuurka Oo Beydhabo Maanta Lagu Qabtay “Sawirro”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maalintii 2-aad galay shirka dastuurka Somalia dib loogu eegayo ee shalay ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda dastuurka Xukummadda Soomaaliya.

Shirka maanta ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed oo uu hoggaaminayo gudoomiyahooda, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia, gudiyada arrimaha dastuurka dalka oo uu hogaaminayay wasiirka dastuurka xukuumadda Somalia, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Goddoomiyaha baarlamanka maamulka Koonfur-galbeed oo ka hadlay shirka maanta ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leedahay baarlamanka Koonfur-galbeed inuu la socdo, ayna ku darsadaan talooyin hannaanka dib u eegista dastuurka, si loo dastuur loo dhan yahay.

Waiirka Dastuurka Somalia oo isagana ka hadlay shirka ayaa ka hadlay howlaha ugu Waa-weyn ee u yaalla labada gole heer federaal iyo heer gobolba. Isagoo xusay in dastuurku uu ku noqon karo mid Soomaali leedahay loona dhan yahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada qayb-qaataan talooyinna ku yeeshaan, isagoo xusay in baarlamaanada maamul-goboleedyada ay udub-dhexaad u yihiin geeddi socodka dib u eegista dastuurka, maadama ay matalaan shacabka deegaannada ay maamulaan.

Sidoo kale, waxaa hadlay wasiirka Dib-u-heshiisiinta iyo arrimaha Dastuurka ee maamulka Koonfur-galbeed, C/qaadir Nuur Caraale oo muhiim dastuurka dalka ee ay dib u eegistu ku socoto, wuxuuna soo dhaweeyay habka uu ku socdo dib u eegistiisa, isagoo ku bogaadiyay Wasaaradda arrimaha Dastuurka Somalia dadaalka ay ku bixinayso dib u eegista dastuurka iyo kulanka ay Baydhabo ku qabatay.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaashii kulankan ayaa waxaa loo qaybiyay Saddex kooxood oo ka doodayay arrimaha dastuurka, iyadoo koox kastaahi ay doodaysay qodobo gaar ah, si ay talooyin uga soo bixyaan,

Qodobbada laga doodayay ayaa waxay kala ahaayeen;

  1. Waa maxay dastuur?
    2. Waa maxay muhiimadda ay Somalia u leedahay inay dastuur yeelato?
    3. Maxay lagama huraan u tahay in dadku ay wax ka ogaadaan ogaadaan Dastuurkooda?
    4. Maxaad jeceshahay in dastuurka laguugu daro?
    5. Sidee lagu heli karaa dastuur ay Somalia leedahay loona wada dhan-yahay?
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Previous Post

Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamanka Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Nairobi”Sawirro”

Next Post

Wasiir Diini “Heshiiska Kismaayo wuxuu gacan ka geysan doonaa Dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada”

Next Post
Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”

Wasiir Diini “Heshiiska Kismaayo wuxuu gacan ka geysan doonaa Dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In