Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir dowlaha Xafiiska R/wasaaraha XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayey haggaajinta Bii’adda wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir dowlaha Xafiiska R/wasaaraha XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayey haggaajinta Bii’adda wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka 9aad ee Wasiirada Bii’ada ee wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya oo ka mid yihiin Soomaaliya , Kenya Tanzania Mozambique iyo Koofur Afrika, kaasi oo ka dhacay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen haggaajinta Bii’adda ee dalalka dhaca galbeedka badweynta Hindiya, isbadalka hawada, Daryeelka isticmaalka baddaha iyo arrimo kale.

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

Wasiirka,  ayaa sheegay in Soomaaliya shirkaan wixii ka dambeeyey burburkii dalka aysan ka qeyb gelin, maadaama dalka dhibaatooyin ay ka jireen, isaggoo xusay in hadda dawladda ay diyaar u tahay  in hormuud ay ka noqoto shirarka noocaan oo kale.

Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi uu ka hor sheegay in  wax laga qabto dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta Kaluumeysiga sharci darradda ah.

“Aniga waxaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka naga heysta kaluumeysiga xad gudubka ah ee Soomaaliya lagu hayo, maadaama aan nahay dawlad tabar u heynin badda oo dhan in aan dhowrno, kaluumeysi fara badan ayaa Soomaaliya ka socdo oo sifooyin aan la ictiraafsaneyn loo isticmaalo waxaa ka mid ah guuxa maraakiibta faraha badan oo keenaya in Kaluunka uu dido, marka arrimahaasi siddii loo joojin lahaa ayaa ka hadlay” ayuu yiri Wasiir Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxda kala duwan ee ka socday wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka  qeyb galay shirkaasi, ayaa waxay  isla qaateen in dhexdooda ay yeeshaan wadashaqeyn wanaagsan.

Previous Post

Daawo Waraysi gaar ah oo Safiirka Shiinaha u Qaabilsan Soomaaliya Qin Jian uu siiyay Warbaahinta Qaranka

Next Post

R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Next Post
R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In