Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar ย Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.
“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri Wasiir Dubbe.













