Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fardowso “Talaadadii 1aad ee lagu ilaalinayo badqabka Duulimaadyada Isticmaala hawada dalkeenna ayaa qaadnay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Fardowso “Talaadadii 1aad ee lagu ilaalinayo badqabka Duulimaadyada Isticmaala hawada dalkeenna ayaa qaadnay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowso Cigaal oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixisay badqabka duulimaadyada isticmaala hawada dalkeenna iyo tallaabooyin lagula ilaalinayo oo Wasaaraddu qaaday.

Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun yihiin in dadka ay iska indha-tiraan nidaamka iyo dowladnimada oo wax aysan shaqo ku lahayn dhex galaan, waxayna hadalkeeda intaas ku sii dartay in ay qaadeen tallaabadii ugu horeysay oo lagu ilaalinayo badqabka duulimaadyada iyo isticmaalka hawadeenna.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

”Waxaa jira mitigation step wax la yiraahdo oo ilaa 4-3-5, haddba inta aad adiga gaarsiin karto oo maalinba tallaabo gaar ah aad qaado, tallabadii ugu horeysay oo aan qaadnay waxay ahayd nootamyadii la diray iyo communication-kii, mobiladii niiclaha oo ay haysteen kii ka horumarsanaa (advanced) aan u guurnay, adduunkana u sheegnay ku niri nidaamkaas ayaa u guurnay, diyaaradahana u sheegnay in aysan dhageysan oo ay inagu si toos ah inoola soo hadlaan,”.

Sidoo kale, Wasiir Fardowso Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la isla dhexmariyay ee sheegaya in uu khal khal ka jiro badqabka duulimaadyada, waxayna wasiir Fardowsa carabka ku adkeysay in ay awood buuxda u leeyihiin maamulka hawada ee dalkeenna.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan saagootin ah la qaatay Ibrahim M. Yagli “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In