Saturday, December 9, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeeray Koonfurta Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 25, 2023
in Wararka
0
Wasiir Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeeray Koonfurta Gobolka Mudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ah mudane Axmed Xasan, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka ee Xarirka Baarlamaanka Sakariye Axmed Gaashaan, Siyaasi Liibaan Axmad Xasan, Guddoomiyaha Gudiga Taakulada iyo Dib u xoreynta Koonfurta Mudug Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdinaasir Cabdiqaadir Cabdulle iyo Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Galmudug ayaa kormeer Dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada Degaanka, Daraawiishta Galmudug Iyo Ciidamada Qalabka sida qeybahooda kala duwan, kuwaas oo ku sugan duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada waxay la qaateen kulan saacado badan socday kaas oo lagu gorfeeyey Taatikada Dagaalka lagula jiro Argagixisada, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga Ciribtiro, iyadoo ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa looga mahadceliyay jabkii ay gaarsiiyeen Khawaarijta dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Dhagaxdheer ee Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo lagu dilay in kabadan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Related posts

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

December 9, 2023
Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

December 9, 2023

Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo balaaran, iyadoo laga xoreeyey degaanno badan oo ka tirsan Koonfurta Mudug, waxaana qasaare balaaran loogu gaystay khawaarijta degaannada ay dagaalada tooska ah ka dhaceen.

 






Previous Post

Prime Minister Hamza addresses the largest Somali community in Minnesota, U.S

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay mas'uuliyiin ka socday dowladda Turkiga

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

December 9, 2023
0

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka...

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

Ciidanka Xoogga oo Howlgal qorsheysan ka sameeyay degaanno hoostaga Degmada Xudur

December 9, 2023
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xalay deegaanada kala ah Farag...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

December 9, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti....

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn

December 9, 2023
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In