Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Galmudug ayaa Gaalkacyo uga qeybgalay kulan looga hadlayay doorka bulshada reer Gaalkacyo uga aadan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Duqa Degmada Gaalkacyo mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo sheegay in bulshada reer Gaalkacyo shacab iyo maamulba ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ka qeyb galka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee looga sifaynayo deegaannada kooban ee kooxdu ka joogto Galmudug.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Ambasadoor Dhabancad iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa bogaadiyay isku duubnida maamulka iyo shacabka iyo u diyaar garoowgooda muuqda ee howlgalka dalka looga sifeynayo khawaarijta