Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka ansixinta warbixinta dib-u-eegista qorshaha horumarinta oo lagu qabtay Muqdisho                           

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulanka ansixinta warbixinta dib-u-eegista qorshaha horumarinta oo lagu qabtay Muqdisho                             
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo lagu ansixiyay Warbixinta Dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Shire ayaa furay kulanka, isagoo ka-qeybgalayaasha ku boorriyay in ay si wanaagsan uga doodaan, islamarkaana ay ku biiriyaan waxyaabaha ay is leeyihiin in ay lagama maarmaan u yihiin warbixinta.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026

Warbixintan oo ay soo diyaarisay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa looga gollahaa in qimeyn qoto-dheer lagu sameeyo waxa ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad 30-kii bilood ama  laba sano iyo barkii ugu horeeyay (Janaayo 2020 ilaa Juun 2022).

Warbixinta qiimeyntan xilliga dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ayaa lagu raad-raacay horumarka laga gaaray fulinta qorshaha, caqabaha soo wajahay fulintiisa iyo waxyaabihii laga bartay, waxaana kasoo baxay talooyin wax ku ool ah oo lagu saxaayo laguna jiheynaayo wejiga ugu dambeeya  ee fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad, ee sanadaha 2023 iyo 2024

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo si rasmi ah usoo xiray shirka ayaa ku ammaanay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta soo saarista waxbixintan, isagoo dhanka kale uga mahadceliyay dhamaan hey’adihii ka qeyb qaatay qiimeynta oo ay ka mid yihiin dowladda heer federal iyo heer dowlad goboleed, saaxiibada caalamiga ah, Ganacsatada iyo  bulshada rayidka ah ka midka yihiin.

Warbxinta Dib-u-eegista Muddada Dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ayaa lagu wadaa in berri si rasmi ah loogu daahfuro magaalada Muqdisho.

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo qaabishay Madax ka socotay Max Planck

Next Post

Wasiir Fiqi oo Gaalkacyo uga qeybgalay kulan looga hadlayay la dagaallanka khawaarijta “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Fiqi oo Gaalkacyo uga qeybgalay kulan looga hadlayay la dagaallanka khawaarijta “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi oo Gaalkacyo uga qeybgalay kulan looga hadlayay la dagaallanka khawaarijta "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In