Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay madax ka socotay hay’adda UNHCR

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Fiqi oo soo dhaweeyay madax ka socotay hay’adda UNHCR
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka (UNHCR) Filippo Grandi.

Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ay ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Previous Post

Bakool: Waxaa naga go’an in aan deegaanadeena argagixisada kaxoreeno

Next Post

Guddoomiyaha G/Bakool oo gaaray degmada Ceelberde

Next Post
Guddoomiyaha G/Bakool oo gaaray degmada Ceelberde

Guddoomiyaha G/Bakool oo gaaray degmada Ceelberde

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In