Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yonis ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay tallaabadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii Marin Habaabinta Al-shabaab ee Al-Andulus.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak, Awdheegle,Sablaale, Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.
Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Arggagixisada Alshabab ay u adeegsan jireen marin habaabinta iyo cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed oo ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan sii hayaha Wasirka Warfaafinta.
“Waxaa guul u soo hooyatay ah Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in arggagixisada Alshababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen, taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta kooxaha arxan laawayasha ah ee Alshabaab, haddana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgallada dalka looga sifeynayo arggagixisada Alshabaab, waxaana howlgalladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobollada Gedo, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan.