Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Iidaan Yoonis ”Waa guul taariikhi ah tallaabadii Ciidanka XDS ay kula soo wareegeen qalabkii Idaacaddi Shabaab”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Iidaan Yoonis ”Waa guul taariikhi ah tallaabadii Ciidanka XDS ay kula soo wareegeen qalabkii Idaacaddi Shabaab”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yonis ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay tallaabadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii Marin Habaabinta Al-shabaab ee Al-Andulus.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburioyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak, Awdheegle,Sablaale, Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Arggagixisada Alshabab ay u adeegsan jireen marin habaabinta iyo cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed oo ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan sii hayaha Wasirka Warfaafinta.

“Waxaa guul u soo hooyatay ah Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in arggagixisada Alshababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen, taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta kooxaha arxan laawayasha ah ee Alshabaab,  haddana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgallada dalka looga sifeynayo arggagixisada Alshabaab, waxaana howlgalladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobollada Gedo, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan.

Previous Post

Shirkii Amniga Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

Galmudug oo ka tacsiyeeysay geeridii nabaddoon Axmed Diiriye Cali

Next Post
Galmudug oo ka tacsiyeeysay geeridii nabaddoon  Axmed Diiriye Cali

Galmudug oo ka tacsiyeeysay geeridii nabaddoon Axmed Diiriye Cali

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In