Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 arday oo baratay culuumta badda ayaa maanta ka qalin jebisay Academiyada Culuumta badda ee Khalif Macow ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ka qayb gashay Munaasabadaasi.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Munasabbada Qalin jebinta waxaa ka qayb-galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare dowladda Soomaaliya, Mudane Faysal Cumar Guleed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Benaadir, Muuse Macalin Maxamed, Guddoomiyaha hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed, Admiral Prof. Farax Axmed Cumar ‘Qare’ iyo marti sharaf kale

” Aad ayaan uga farax sanahay in aan ka faa’ideysto mudada hal sano ee aan dhiganayeyย  Academiyada oo culuumta baddaha iyo sharciyadeeda ka bartay, waana cilmi farsamo oo aan ku shaqaysan doono, waan mahad celinaya dhamaan macalintii wax na bartay”, Kamaal Xuseen Dalmar oo ku hadlayey magaca ardada ka qalin jebisay Academiyada ayaa sidaa yiri.

Prof. Faarax Qare ayaa sheegay in meel hoose ay ka soo bilaabeen cilmi baarista la xiriirta hay’ddan oo isaga 5-sano ka hor u magacawday inuu hogaamiyo, wuxuu ka codsaday dowladda in ay siiso Iskuuladii Cilmiga baddaha lagu baranayey, si buu yiri looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Ku dhawaad 200 oo arday ayaa ka fa’ideysatay barashada Cilmiga baddaha, dufcadan waa tii 3-aad, waxaana ay maanta qaadanayaan shahaado ‘Diploma ah’ waana arday xirfadda ay barteen k ushaqaysan kara maanta, waxan uga baaqaya in ay cilmiga ay barteen uga faa’ideyaan walaalahood Soomaaliyeed”, Sidaa waxaa yiri Faarax Qare.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in ardayda Cilmiga baddaha baratay uu kala soo qayb-galo musabadda qalin-bedelashadooda, waxaana uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta dugsiyada lagu barto xirfadaha.

” Waxan joojinay dugsiyo sare oo hor leh, balse waxan fureyna sannadkan 9 dugsi oo 3 lagu baranayo cilmiga beeraha, 3-lagu baranayo Cilmiga xoolaha iyo 3-lagu baranayo Cilmiga baddaha, dowladda fariintaada way tix gelinaysaa oo waad helaysa dugsi aad wax ku bartaan Cilmiga muuhiihmka ah ‘Hambalyo”, Mr. Guuleed ayaa sidaas ku soo geba-gebeeyey musabadda Qalin jebinta.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Africa taasoo dhirirkeedu yahay 3,333ย Kilometer, hayeeshee waxaa muuqata in aad looga fa’ideysan.

Previous Post

Shil Dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Thailand

Next Post

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In