Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey arday ka qalin-jebisay Akademiyada Cilmiga Baddaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 arday oo baratay culuumta badda ayaa maanta ka qalin jebisay Academiyada Culuumta badda ee Khalif Macow ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ka qayb gashay Munaasabadaasi.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Munasabbada Qalin jebinta waxaa ka qayb-galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare dowladda Soomaaliya, Mudane Faysal Cumar Guleed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Benaadir, Muuse Macalin Maxamed, Guddoomiyaha hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed, Admiral Prof. Farax Axmed Cumar ‘Qare’ iyo marti sharaf kale

” Aad ayaan uga farax sanahay in aan ka faa’ideysto mudada hal sano ee aan dhiganayey  Academiyada oo culuumta baddaha iyo sharciyadeeda ka bartay, waana cilmi farsamo oo aan ku shaqaysan doono, waan mahad celinaya dhamaan macalintii wax na bartay”, Kamaal Xuseen Dalmar oo ku hadlayey magaca ardada ka qalin jebisay Academiyada ayaa sidaa yiri.

Prof. Faarax Qare ayaa sheegay in meel hoose ay ka soo bilaabeen cilmi baarista la xiriirta hay’ddan oo isaga 5-sano ka hor u magacawday inuu hogaamiyo, wuxuu ka codsaday dowladda in ay siiso Iskuuladii Cilmiga baddaha lagu baranayey, si buu yiri looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Ku dhawaad 200 oo arday ayaa ka fa’ideysatay barashada Cilmiga baddaha, dufcadan waa tii 3-aad, waxaana ay maanta qaadanayaan shahaado ‘Diploma ah’ waana arday xirfadda ay barteen k ushaqaysan kara maanta, waxan uga baaqaya in ay cilmiga ay barteen uga faa’ideyaan walaalahood Soomaaliyeed”, Sidaa waxaa yiri Faarax Qare.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in ardayda Cilmiga baddaha baratay uu kala soo qayb-galo musabadda qalin-bedelashadooda, waxaana uu xusay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta dugsiyada lagu barto xirfadaha.

” Waxan joojinay dugsiyo sare oo hor leh, balse waxan fureyna sannadkan 9 dugsi oo 3 lagu baranayo cilmiga beeraha, 3-lagu baranayo Cilmiga xoolaha iyo 3-lagu baranayo Cilmiga baddaha, dowladda fariintaada way tix gelinaysaa oo waad helaysa dugsi aad wax ku bartaan Cilmiga muuhiihmka ah ‘Hambalyo”, Mr. Guuleed ayaa sidaas ku soo geba-gebeeyey musabadda Qalin jebinta.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Africa taasoo dhirirkeedu yahay 3,333 Kilometer, hayeeshee waxaa muuqata in aad looga fa’ideysan.

Previous Post

Shil Dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Thailand

Next Post

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

Next Post
Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

Wasiirka Cadaaladda iyo Culimada oo ka wada hadlay arrimaha Xabsiyada+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In