Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu xusayay 4-ta April oo ah maalinta uu caalamka u aqoonsaday miinada Adduunka ayaa lagu qabtay dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha, saraakiisha hay’adaha amniga, ururrada bulshada rayidka iyo fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska oo goobta ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa dhibaatooyinka ay bulshada ku hayso miinada.

Qaar ka mid ah dadkii goobta ka hadlay waxa ay bulshada ka codsadeen in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dalka, si looga hortago dhibaatooyinka ay kooxaha Shabaab ku hayaan bulshada, gaar ahaan miinooyinka ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Sareeyo Guuto Cabdirashiid Aadan Xirsi Taliyaha akadeemiyada ee dugsiga Jeneraal Kaahiye oo ka sheekeeyay qatarta miinada ayaa xusay in shacabka looga fadhiyo inay u istaagaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada Nabadgelyada.

“Waa maalin ku aadan sida hal meel loogu wada istaagi lahaa dhibaatada miinada ee xagga shacabka ku hayso, waayo waa wax lagu baabi’iyo shacabka, marka waxaan bulshadeena ka codsaneynaa si loo yareeyo dhiaatada miinada, in ciddi ay uga shakiyaan arrimahan ay ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga, si looga hortago qatarta miinada” ayuu yiri Jeneraal Cabdirashiid.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa sheegay in xilli kasta ay ciidamada ammaanka u taaganyihiin ka hortagga qatarta miinada.

“Ciidanka qalabka sida maalin kasta waxa ay u taaganyihiin sidii shacabka looga hortagi lahaa dhibaatada miinada, Islaamka ma qabo in dadka la iska laayo, marka waxaan idinka rabnaa in aad gacan nagu sii saan sidii aan ula dagaalami lahayn dadka arrimaha nuucani oo kale ku howlan”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenke Amniga gudaha.

Wadamo badan oo Soomaliya ay ku jirto ayaa laga xusay maalinta miinada Adduunka oo ku beegan 4 April oo ah maalinta uu caalamka u aqoonsaday.

IMG_6482 IMG_6484 IMG_6486 IMG_6488 IMG_6489 IMG_6491 IMG_6493 IMG_6494 IMG_6497 IMG_6507 IMG_6509 IMG_6511 IMG_6513 IMG_6516 IMG_6518 IMG_6523 IMG_6533 IMG_6534 IMG_6535 IMG_6547 IMG_6566 IMG_6567

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Olole nadaafadeed oo ka bilowday degmada Lafoole

Next Post

Qeybaha bulshada ee gobolka Galgaduud oo u hambalyeeyay howlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Next Post
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Qeybaha bulshada ee gobolka Galgaduud oo u hambalyeeyay howlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In