Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo xafiiskiisa kula kulmay wafdi kasocday Hay’adda UNHCR

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Md. Cali Sheikh Maxamed  Nuur oo manta xafiiskiisa kula kulmay wafdi kasocday Hay’adda UNHCR oo ay horkacaysay Wakiilka Somalia ee UNHCR.

Kulankaas ayaa ugu horayn waxa la isku dhaafsaday warbixino ku aadan xaaladda qaxootiga Yemen halka ay marayso iyo war ka soo yeeray Dowladda Kenya kaaso oranayay in saddex bilood gudaheeda dib loo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Wasiirka ayaa yiri “ waxan horay ugu jirnay dagaal ka dhan ah argagixisada taas oo culays badan aan saarnay, haddana waxa soo kordhay culeeskan qaxootiga Yemen iyo Kenya. Dowladda waxa ay u diyaargarowday labada gacan midna in ay cadawga kula dagaasho midna shacabkeeda dhiban wax ugu qabato, taasoo aan ula jeedo in aan bixin doono wax walba ee aan kari karnno, waxa aan xoojinaynaa Qaylidhaanti uu wasiirkeena horay ujeediyay ee ku aadanaa in loo sameeyo taageero dagdag ah Qaxootiga soo laabanayo ee soomaaliyeed ee kusugan Yemen”.

Wasiir ku xigeenka waxa uu ka codsaday Hay’adda UNHCR in loo helo maraakiib soo daabusho Qaxootiga ku dhiban Yemen. Sidoo kale waxa uu wasiirku  cadeeyay ilaa iyo hadda dhanka dowladda Kenya in ayan ka helin Xiriir rasmi ah ee ku aadan Dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha Qaxootiga ee Kenya, asiga oo xusay in ay ka maqleen warbaahinta oo kaliyah.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka waxa uu u mahadceliyay Hay’adda UNHCR dadaalka ay wado, waxa u dhiira galiyay in howsha la dardar galiyo wadajir iyo iskaashi dhaw lawada yeesho si loo samata bixiyo Qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Yemen iyo Kenya.

Wakiilka ufadhiya Somaliya UNHCR ayaa warbixin guud ka bixisay tirade rasmiga ah ee qaxootiga soo laabtay waxa ayna ku sheegaty in ay gaarayaan 914 qof, halka soomaalida ay yihiin751, Yemeniyiintana gaarayaan 155, waxyaabaha loo qabto marka ay soo gaaraan Boosaaso iyo Barbara ayay ku sheegtay marka hore in la eego dhanka amniga dabadeedna loo saameeyo diiwaangelin ayada ay halkaasi diyaar ku yihiin koox la tacaashoo xaaladahaha dagdaga ah ee caafimaadka.

Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale ka hadashay arrinta cusub ee Qaxootiga Kenya waxa ayna sheegtay arrintaasi in ayan weli kusoo gaarin xiriir rasmi ah oo kaga yimid Dowladda Kenya, Mowqifka UNHCR horay ayaan u cadaynay. Ugu dambayn waxa ay soo dhawaysay in la sameeyo iskaashi iyo wada shaqayn dhaw in lawada yeesho.

Waxa la isla gartay:

 

In la sameeyo ololo dheeraad ah oo lagu badbaadinayo qaxootiga wali ku dhiban Yemen, si degdeg ahna loo soo samata bixiyo

Wasaaradda in ay tagto meelaha ay kasoo dagayaan Qaxootiga lana socoto xaaladda qaxootiga imaanayo.

In loo diyaar garoobo Qaxootiga Kenya ka imaanaya.

Warsaxaafadeed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay Gurmadka deg dega ah “SAWIRRO”

Next Post

DHAGEYSO:Warka habeen ee Radio Muqdisho 13 04 2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

DHAGEYSO:Warka habeen ee Radio Muqdisho 13 04 2015

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In