Wafdi uu hoggaamiyo Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Shariif Sayid Cali oo ay qeyb ka ahayeen Wasiirka Garsoorka Koonfur Galbeed mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Xasan Baydhabo iyo saraakiil kale ayaa gaaray Deegaanka Goofgaduud Buurey oo fariisin ayku leyihiin ciidanka xoogga dalka.
Ujeedka socdaalka mas’uuliyiinta ayaa la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda ay ku suganyihiin ciidanada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kiaa Daraawiishta Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.
Wafdiga ayaa markii ay halkaas gaareen waxa ay warbixinno ka dhageysteen saraakiisha ciidanka.