Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen macalin Dr. Gurrey oo shalay soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, ayaa maanta kormeeray Isbitaalada Dhuusamareeb, sida Isbitaalka guud ee Gobolka iyo Isbitaalka Xanaano oo labaduba ka mid ah xarumaha ugu adeeg bixinta badan ee bukaanada qaabila.

Kormeerkan oo wasiir ku-xigeenka ay ku wehliyeen, Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee xafiiska Madaxwaynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku qotomey u kuurgelidda adeegyada ay bixiyaan xarumahan, baahiyaha u baahan wax ka qabashada ee ka jira qaybaha kala duwan ee isbitaalada iyo in la wadaago talooyinka la xiriira sidii loo horumarin lahaa adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaannada Galmudug.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026

Maamulada isbitaaladan iyo bukaanada ayay Wasiir ku-xigeenka iyo madaxda wehlisey ka dhageysteen kaalmada looga fadhiyo Dowladda federaalka si loo helo adeeg Caafimaad oo tayaysan, kaasi oo kala gaara guud ahaan deegaannada Galmudug.

Dr. Axmed Xuseen Macalin, wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kormeerkan kadib warbaahinta la hadley ayaa bogaadiyey dadaalka muuqda ee ka jira xarumahan Caafimaad, isagoo xusey in uu usii gudbayo degmooyinka kale oo ay si mideysan uga soo aruurin doonaan macluumaad la xiriira hormarinta adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyed ugu tacsiyadeeyay geerida Abwaan Sooraan

Next Post

Degmada Heliwaa oo laga hirgeliyay Barnaamijka daadejinta Adeegyada Bulshada ee Gobolka “SAWIRRO”

Next Post
Degmada Heliwaa oo laga hirgeliyay Barnaamijka daadejinta Adeegyada Bulshada ee Gobolka “SAWIRRO”

Degmada Heliwaa oo laga hirgeliyay Barnaamijka daadejinta Adeegyada Bulshada ee Gobolka “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In