Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cafimaadk Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed ayaa uga qaybgalay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethoipia shirwayne lagu falanqeenaya mashaariicda lagu horumarinayo Cafimaadka, sidoo kalana looga shaqeyn lahaa sidii horay loogu qaadi lahaa deeqaha lahelo, loona kordhinlahaa iyadoo xoogga la saarayo in lahubiyo in mashaariicda adduunka noqdaan ku waxter u leh bulshooyinka Africa, iyadoo lasoo marsiinayo nidaamka Maamulka Maaliyadeed iyo nidaamka dabo galka si hufnaanta kor loogu qaado.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay nidaam maaliyadeed oo hufan, kaas oo lagu maamulo mashaariic aad u badan, isla markaana ka go’an tahay si mugleh in loo gaarsiiyo dhamaan gobolada iyo deegannada oo idil.