Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Dastuurka oo ka warbixiyay shirkii odayaasha dhaqanka uu kula yeeshay Cabudwaaq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 7, 2015
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Dastuurka oo ka warbixiyay shirkii odayaasha dhaqanka uu kula yeeshay Cabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka dastuurka Cabdullaahi Yuusuf Alankeey,ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee degmada Cabudwaaq ay aqbaleen inay ka qeyb galaan shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Dhexe.

Mudane Alankeey oo ku sugan Cabudwaaq ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wada-tashiyo u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin ka socotay dowladda oo uu hoggaaminayay wasiirka gaashaandhigga laga gaaray heshiis, ayadoo odayaashu dhaqanku ay aqbaleen inay shirka ka qeyb galaan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa ku sii jeeda Cabudwaaq si loo sii wado wada tashiyada loogu diyaar garoobayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in shirka maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe uu ka furmi doono degmada Cadaado, ayadoo dhammaan bulshada degta Mudug iyo Galguduud ay ka qeyb gali doonaan si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixinaysa dhammaystirka maamullada gobollada si loo dhaqan galiyo nidaamka federaalka isla markaana loo diyaariyo hannaan suurta galiya in doorasho laga qabto waddanka sanadka 2016-ka.

Previous Post

Bandhig Dhaqan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin dowladda ka tirsan oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

UNHCR oo qaxootiga Yemen ka imaanaya xerooyin uga dhisaysa Jabuuti iyo Soomaaliya

Next Post
UNHCR oo qaxootiga Yemen ka imaanaya xerooyin uga dhisaysa Jabuuti iyo Soomaaliya

UNHCR oo qaxootiga Yemen ka imaanaya xerooyin uga dhisaysa Jabuuti iyo Soomaaliya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In