Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocaw isla markaana ay ku wehliyaan agaasimaaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda kalluumeysiga, oo ku sugan Dalka Jaban ayaa waxay kulamo gaar ah ay la qaateen mas’uulayiin ka tirsan dowladdaasi Jabaan,
Wasiir ku-xigeenka iyo wafdiga la socda waxay ay kulan gaar ah la qaateen Kohei Sakamto madaxa labaad afrika u qaabislan Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Jaban ayagoo ka wada hadlay xiriirka labada dowladdood iyo sidii iskaashi ku aadan wax wada qaybsi labada dhinac loo sameyn lahaa.
Shirka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yahiin iskaashi dhexmara labada dowladda sida Caawimaada, sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha dowladda iyo in dowladda jaban ay kordhiso deeqaha waxbarasho ee ay siineyso Soomaliya, iyo hormarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.
Kohei Sakamto madaxa labaad Afrika u qaabislan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Jaban ayaa sheegay in waxyaabihii shirka looga hadlay ay dhaqan gelin doonaan, isla markaana ay qorsheynayaan in ay dar dargeliyaan taageerada aysiinayaan Dowladda Soomaaliya.