Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kooxda Heegan oo soo bandhigtay tababare cusub oo ajnabi ah iyo ciyaartooy-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kooxda Heegan oo soo bandhigtay tababare cusub oo ajnabi ah iyo ciyaartooy-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa soo bandhigtay tababare cusub kas oo leylin doono kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Tababare Sheekh  Saalax ayaa isaga tagay kooxda Heegan markii naadiga Ciidanka Booliska uu ku hagay kaalinta afraad xilli ciyaareedkii soo dhamaaday.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Macallinka cusub ayaa lagu magacaabaa Felix Nwosu waxaana uu u dhashay  Dalka  Nigeria, iyadoo Maamulka kooxda ay si rasmi ah u soo bandhigeen isaga iyo saxiixyada cusub ee naadiga, kadib markii uu isaga tegay tababarihii hore ee Naadiga Sheekh Saalax.

Tababaraha reer  Nigeria ayaa maanta durba bilaabay shaqadii kooxda, isagoo bixiyay tababarkii ugu horreeyay, waxaana ciyaartooyda kooxda ay ahaayeen kuwo dhamaantood u wada riyaaqay tababarka macallinkaan cusub.

Felix Nwosu ayaa ka mid ahaa daafacyadii ugu wanaagsanaa ee soo maray taariikhda kooxda Gor Mahia, waxaana xusid mudan in wargeysyada ugu waa weyn Qaaradda Afrika ay hadal hayaan arrinta tababarahan.

Macallinkani waa kii seddexaad oo Ajanabi ah isla markaana qabta koox ka ciyaarta heerka koowaad ee Soomaaliya kaddib bur burkii dalka ka dhacay, waxaana ka horreeyay  Mbalangu Hussein oo leyliya Banaadir iyo Edward Karanja oo kooxda  Gaadiidka ah.

Xiddigaha ay la soo wareegtay kooxda Heegan waxaa ka mid ah:-

Mahad Saha  Kooxda Saxafi

Asad Abalaceey, Muqdisho FC

Mahad Cali Beerey, Muqdisho FC

Cali Xabad, Muqdisho FC

C/risaaq, Muqdisho FC

C/qani Buule Abgaaloow,  Kooxda Saxafi

abdir macalin1 macalin2 macalin5 macalin6 macalin7 macalin8-1 macalin10

Previous Post

PUBLIC SECTOR CAPACITY INJECTION PROJECT , Call FOR JOB applications

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo la kulmay mas’uul ka tirsan dowladda Jaban “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta  oo la kulmay mas’uul ka tirsan dowladda Jaban “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta oo la kulmay mas'uul ka tirsan dowladda Jaban "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In