Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa safaaradda iyo wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa la kulmay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya mudane Jamaal Maxamed Xassan, safiirka ku xigeenka ahna qunsulka koowaad Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh Begedi.

Related posts

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026

“Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku jiraan hay’adaheeda warbaahinta waxay sii xoojinaysaa wada-shaqeynta ay la leedahay safaaradaha dibadda, gaar ahaan safaaraddeena Kenya oo shaqo muhiim ah u haysa bulshada Soomaaliyeed ee dalkaan ku nool” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Colaad oo ay la socdeen wakiilka wasaaradda Warfaafinta ee Kenya iyo qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl gala warbaahinta Dowladda.

Safiir ku xigeenka safaaradda Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa soo dhaweeyay shaqada warbaahinta dowladdu ay ka hayso Kenya, isagoo tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyso safaaradda. “Annagu waxaan ku faraxsan nahay kaalinta ay SNTV iyo Radiyo Muqdisho ama guud ahaan wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay shaqada aan ka hayno Kenya, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno isla markaana caawinno” ayuu yiri.

Sidoo kale Qunsulka Safaaradda Cali Maxamed Begedi iyo shaqaalaha safaaradda ayaa soo dhaweeyay Wasiirka iyo howl-wadeenna wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta safaaradda ayaa soo dhaweeyay wakiilka cusub ee ay wsaaradda warfaafintu u magacowday dalka Kenya Yuusuf Sh Ciise, ayagoo sidoo kale u mahad celiyay wakiilka xafiiska banneynaya Cilmi Maxamed Waare oo muddo laba sano ah la shaqeynayay safaaradda.

IMG_7019 IMG_6995
IMG_6959 IMG_7081 IMG_7076 IMG_7065 IMG_7058 IMG_7044 IMG_7104 IMG_7096 IMG_7101Sawir Qaade: Cabdulqaadir Koronto, Nairobi-Kenya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti oo dib loo doortay

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In