Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, oo tababar u soo xirey hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, oo tababar u soo xirey hawlwadeennada xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista hagaajinta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay in ka badan 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda Federaalka.

Danjire Yusuuf Garaad oo ka mid ahaa khubarada tababarka bixisay ayaa xusay in muhiim tahay in la joogteeyo tababarada noocaan ah si kor loogu qaado xirfadda howlwadeenada xafiisyada warbaahinta ee hey’adaha dowladda.

Related posts

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in diiraddu tahay horumarinta hab warbaahineedka xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yusuf oo soo xirey tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo Iskaashiga ee Hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helista caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha Warfaafineed ee dowladda.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in xoogga la saaro sidii loo kasban lahaa dadweynaha, isla markaana laga feejignaado kuwo caadeystay faafinta dacaayadaha ka dhanka ah dalka iyo dowladnimada.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in gudbinta fariinta dowladda uu xil weyn ka saaran yahay hawlwadeenada xiriirka Warbaahinta ee dowladda Isla markaana diiradda Wasaaraddu saarayso kor u qaadista xirfadda iyo awoodda hawlwadeenada.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Senator Maxamed Cali Gaagaab

Next Post

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo kula la yeeshay Safiirka Switzerland

Next Post
Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo kula la yeeshay Safiirka Switzerland

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo kula la yeeshay Safiirka Switzerland

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, isagoo carrabka...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In