Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo kormeeray taliska ciidanka Badda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo kormeeray taliska ciidanka Badda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta kormeeray taliska ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna Saraakiisha ciidanka ka dhageystay heerarka kala duwan uu soo maray ciidanka Badda iyo howlaha horyaala.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa xarunta ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ku soo dhoweeyay Taliyaha ciidanka Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Badda.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026

Admiral Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga uga warbixiyay howaha hortebinta u leh taliska.

Wuxuu sheegay Wasiir Cabdifataax Qaasim in ciidankeenu uu ka muuqdo mooraal, rajo iyo yididiilo aad u sareeyo, wuxuuna ku bogaaday howsha adag ee ay Qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca waxaa ku wehlinayay taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka iyo Saraakiil kale.

Dowladda Federaalka ayaa xil weyn iska saartay tababarka, tayeynta iyo xuquuqda asaasiga ee ciidanka qalabka sida,islamarkaana marnaba gaabis ku iman.

Previous Post

The United States Urges Resolution of Electoral Impasse in Somalia

Next Post

Xildhibaanada golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka +Sawirro

Next Post
Xildhibaanada golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka +Sawirro

Xildhibaanada golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka +Sawirro

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka hadashay warar been abuur ah oo laga faafiyay howlaha Wasaaradda

March 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka ayaa beenisay warar ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo la xiriira hakad...

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In