Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Danjiraha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Danjiraha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad, kulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay Dalka Qadar iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicdii horumarineed ee ka dhexeeya labada dal.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025

Danjiraha Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad  oo aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada yeesheen Wasiir ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweyn kaddib ku yiri: “Mudane Wasiir, ka Safaarad ahaan, waxaan mar walba xoojinaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaanna gacanta ku heynaa heshiisyadii dhex maray Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Qatar iyo Soomaaliya, waxaana dooneynaa in dib loosoo celiyo wada shaqeyntii guddiyada  labada dhinac ee ku howlanaa Mashaariicda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Hassan Bin Hamza Asad Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qadar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac Waxuuna ku wargeliyay Wasiir ku xigeenka in uu u hayo Casuumaad uga timid Wasaaradda dhiggiisa ee shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Dalka Qadar uuna rajeynaayo in uu ka jawaabi doono Casuumaaddaas uu tagi doono caasimadda Doha ee dalka Qatar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan aya kaga mahadceliyay Safiirka soo dhoweyntiisa diirran, sidoo kalana xusay dowrka ay ka qaadatay dowladda Qatar xaaladaha adeega ee ka jirta Dalka Soomaaliya, waxuuna u sheegay inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha dalka Qadar waxuu kaloo u sheegay iney sii wadi doonaan wadashaqeyntii guddiga labada dhinac ee u qaabilsanaa Horumarinta Mashaariicda ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku xusay Dowladda Soomaaliya iney tahay Dowlad Halku-dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol taasoo qaadatay hannaanka wadashaqeyn ee uu lahaan jiray Dalka sida labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Safiirka u sheegay iney garab ka siiyaan soo celinta dugsiyadii Farsamada ee uu Dalka lahaan jiray si loo helo Shaqaale xirfadle ah.

Previous Post

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaalya

Next Post

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Next Post
Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda  Kismaayo la ballaarinayo.

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In