Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada oo daah furay diwaan galinta shaqaalaha KMG ah 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 20, 2023
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada oo daah furay diwaan galinta shaqaalaha KMG ah 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS Mudane Cismaan Libaax iyo Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cali Muumin Muudey, ayaa maanta si wada jir ah u daah furay tiro koobka shaqaalaha aan joogtada aheyn,  xarunta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya.

ugu horreyn waxaa si kooban u sharxay habraaca tirokoobka Guddomiyaha Guddiga Farsamada Tirokoobka Mudane Axmed Maxamed Xasan (Giirow).

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Mudane Cali Muumin Muudey ayaa si faahfahsan u sharxay muhiimada iyo ujeedada tiro-koobkaan asagoo xusay in hormar wanaagsan laga sameyay diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha, waxa uu xusay in waxii hadda ka danbeeya xogta shaqaalaha ku meelgaarka ah aay kusoo wareegtay guddiga shaqaalaha asagoo kula dardaarmay ilaalinta ammaanada iyo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga Farsamadda Tirakoobka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Cismaan Libaax,  ayaa bogaadiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo howl-wadeenada shaqada wada asagoo kula-dardaarmay in si hufan u qabtaan howsha loo igmaday.

Tiro-koobkaan ayaa lagu sameyn doona dhamman Hey’adaha Dowladda ee ay joogaan shaqaalaha aan joogtada aheyn.

Previous Post

Deputy Minister of Health attends the G20 summit

Next Post

kulanka Gollaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay D.Cadale 

Next Post
kulanka Gollaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay D.Cadale 

kulanka Gollaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay D.Cadale 

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In