Mogadishu, Talaado, March 17, 2015 – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Danjiraha dowladda Sweden uga wakiil ah dalka Soomaaliya ambassador Mikael Lindvall oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada badan .
Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagan tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo dhiso mustaqbal dimoqraadi oo uu gaaro Shacabka Soomaaliyeed .
Kulanka ayaa waxaa looga dooday xiriirka kobcaya ee Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la ogsoon yahay in dad ku dhow illaa iyo 50,000 oo muwaadiniin Somali – Sweden ay ku noolyihiin magaalooyin iyo tuullooyin kala duwan oo Boqortooyada Sweden oo ka mid ah dowladaha Scandinavia ee ku yaala Waqooyiga Europe .
Fadhigani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Lataliye ka tirsan Xafiiska Wasiirka .
Sida la ogsoon yahay , Soomaaliya iyo Sweden ayaa xiriir diblomaasiyadeed si rasmi ah u yeeshay July 13 , 1960 .