Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maaliyadda oo ka Qayb-galay dood ku saabsan shaqa la’aanta Dalka ka jirta (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maaliyadda oo ka Qayb-galay dood ku saabsan shaqa la’aanta Dalka ka jirta (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa xalay ka qayb galay dood ku saabsan shaqo la`aantt , Iyo sida ugu haboon ee dhalinyaradu shaqo looga abuuri.

Dooda ayaa sidoo kale waxaa ka qetbgalay, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga Maxamuud Cabdullahi Xasan Nuux, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Odowaa, Gudoomiyaha Degmadda Waaberi, Aqoonyaho, Ururada Dhalinyarada iyo Qaar ka mid ah shaqaalaha dowaladda.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda faderaalka Soomaaliya Aden Ibraahim Farkeeti ayaa aad uga hadlay  talaabooyinka Wasaaradda Maaliyaddu ay qaaday si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoona xusay intii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,

“Waxaan heshiis la soo galnay oo soconaya mudo shan sano ah Bangiga aduunka, heshiiskaas ayaa ku qotoma in shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada la siiyo mushaar joogta ah, waxaana jira shuruudo ku xiran bixinta mushaarkaas ilaa hadana dhanka dowladdu way ka soo baxday, maamuladda goboladuna waxay ku howlan yihiin sidii loo buuxin lahaa shuruudahaas, waxaana arinkaan naga caawin in kumanan shaqaale Soomaaliyeed ah ay helaan mushaaraad ku filan oo joogta ah. Waxaa intaa dheer in Wasaaradu dhawaan bilaabayso mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Africa kaas oo shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, taasna maanta meesha ka maqan tahay” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

“Dalka 72% shaqada waxaa abuuri jiray wax soosaarka Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha, maantana arinkaas waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran, waxaa kale dowladdu lahaan jirtay Warshado faro badan, hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray way adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada”ayauu sii raaciyey Wasiir Farkeeti

Wasiir ayaa ku booriyey dhalinyarada in ay dalkooda aaminana kana waantoobaan tahriibka,” shalay waxaa saxaafada caalamka iyo tan Soomaalida haystay gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jaziiradda Nauru ee dalka Australia, iyadoo u aaday iney nolol ka fiican mida Soomaaliya meeshaas ka hesho   Dowladda Australia waxay go’aamisay labo sano ka hor in qofkii magan galyo doon ah la geeyo Jaziiradaas, runtiina waxaa ka nolol fiican ku noolaansha Jaziiradaas Nauru in qofku ka shaqaysto meelaha laga qodo carro kaawada”

farg-1

?
?

far

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo sheegay in la hoos keenay Safaaradaha dhawr dal oo Afrikan ah

Next Post

Taliyaha Asluubta Soomaaliya oo booqday Xabsiyo ku yaala Talyaaniga

Next Post
Taliyaha Asluubta Soomaaliya oo booqday Xabsiyo ku yaala Talyaaniga

Taliyaha Asluubta Soomaaliya oo booqday Xabsiyo ku yaala Talyaaniga

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In