Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, 12 March 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) oo labadan cisho joogey Nairobi ayaa maanta kulamo la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Safiirka Finland iyo Safiirka Japan oo uu kala hadlayey sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya oo ay ku jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii warbaahinta dalka looga horumarin lahaa dhinacyada tayeynta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo kor u qaadista xirfadaha weriyayaasha iyo shaqaalaha warbaahinta dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Kulankii Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone D’urso ayaa ahaa mid si gaar ah looga hadlay arrimaha New Deal-ka, Vision 2016 iyo sidii Wasaaradda looga taageeri lahaa barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta mashruuca New Deal-ka iyo mashaariicda kale ee ay dalka ka hirgeliyeen oo uu ugu dambeeyey dayactirka waddada isku xirta Garowe iyo Galkacyo oo shalay la saxeexay.

Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay horumarka iyo doorka Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ku dhiirigeliyey Wasiirka inuu sii xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta dalka.

Safiirka Finland Ms Sofie From-Emesberger ayaa iyadana soo dhaweysay dadaalada Wasiirka iyo wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa Safiiradda uga mahadceliyey hirgelinta mashruuc lagu dayactirayo istuudiyaha SNTV iyo qalabeyntiisa oo dhowaan la dhameystirayo, iyo taageeradooda dhanka kor u qaadida tayada warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Japan H.E. Tatsushi Terada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Wasiir Maareeye ayaa Japan uga mahadceliyey doorkooda Soomaaliya oo ay dalka Japan sanadihii la soo dhaafay labo shir ugu qabtay Soomaaliya isla markaasna dhanka kobcinta tayada shaqaalaha ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo taageerada booliiska Soomaaliyeed. Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda wacyigelinta iyo doorka wasaaradda Warfaafinta iyo in horumarinta warbaahinta ay muhiim u tahay horumarka dalka.

—DHAMMAAD—

IMG_7394 IMG_7399 IMG_7400 IMG_7401 IMG_7402 IMG_7404 IMG_7405 IMG_7406 IMG_7412 IMG_7413 IMG_7417 IMG_7418 IMG_7419 IMG_7420 IMG_7421 IMG_7422 IMG_7424 IMG_7426 IMG_7427 IMG_7428 IMG_7447 IMG_7448 IMG_7449 IMG_7450 IMG_7452 unnamed(2)

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti

Next Post

Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

Next Post
Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In