Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, 12 March 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) oo labadan cisho joogey Nairobi ayaa maanta kulamo la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Safiirka Finland iyo Safiirka Japan oo uu kala hadlayey sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya oo ay ku jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii warbaahinta dalka looga horumarin lahaa dhinacyada tayeynta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo kor u qaadista xirfadaha weriyayaasha iyo shaqaalaha warbaahinta dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Kulankii Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone D’urso ayaa ahaa mid si gaar ah looga hadlay arrimaha New Deal-ka, Vision 2016 iyo sidii Wasaaradda looga taageeri lahaa barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta mashruuca New Deal-ka iyo mashaariicda kale ee ay dalka ka hirgeliyeen oo uu ugu dambeeyey dayactirka waddada isku xirta Garowe iyo Galkacyo oo shalay la saxeexay.

Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay horumarka iyo doorka Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ku dhiirigeliyey Wasiirka inuu sii xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta dalka.

Safiirka Finland Ms Sofie From-Emesberger ayaa iyadana soo dhaweysay dadaalada Wasiirka iyo wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa Safiiradda uga mahadceliyey hirgelinta mashruuc lagu dayactirayo istuudiyaha SNTV iyo qalabeyntiisa oo dhowaan la dhameystirayo, iyo taageeradooda dhanka kor u qaadida tayada warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye iyo Safiirka Japan H.E. Tatsushi Terada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Wasiir Maareeye ayaa Japan uga mahadceliyey doorkooda Soomaaliya oo ay dalka Japan sanadihii la soo dhaafay labo shir ugu qabtay Soomaaliya isla markaasna dhanka kobcinta tayada shaqaalaha ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo taageerada booliiska Soomaaliyeed. Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda wacyigelinta iyo doorka wasaaradda Warfaafinta iyo in horumarinta warbaahinta ay muhiim u tahay horumarka dalka.

—DHAMMAAD—

IMG_7394 IMG_7399 IMG_7400 IMG_7401 IMG_7402 IMG_7404 IMG_7405 IMG_7406 IMG_7412 IMG_7413 IMG_7417 IMG_7418 IMG_7419 IMG_7420 IMG_7421 IMG_7422 IMG_7424 IMG_7426 IMG_7427 IMG_7428 IMG_7447 IMG_7448 IMG_7449 IMG_7450 IMG_7452 unnamed(2)

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Djibouti

Next Post

Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

Next Post
Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

Danjire Cali Americo oo Khudbad u Jeediyay Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Mount Kenya ”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In