Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaraddu xoojineyso dadaalada lagu horumarinyo dalxiiska dalka, isla markaana ay dhiiri gelineyso dadka ku howlan soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.
Wasiir Maareeya ayaa sheegay in dib u soo kabasho lagu jiro, ayna jiraan dhismayaal qurux badan oo laga hirgeliyay magaalada, isagoo intaa ku daray in adduunku ay ku tartamaan dhanka dhaqaalaha oo ay ka soo galayaan dalxiiska.
“Adduunka waxa uu haatan ku tartamayo waa dhanka dhaqaalaha, sida loo sameyn lahaa meelo sidaan u quruxsan, Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu furay Hotelkii ugu quruxda badnaa, soo kabashada inta lagu guda jiray, waxaan rajeyneynaa inaad tusaale u noqoto dadka dalka maalgashanayo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhallinyarada ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso Nabadgelyada dalka, ayna ka shaqeeyaan xoojinta Nabadgelyada.
“Argagixisada bur burka halkan oo kale baabi’ineysa waa inaan iska qabanaa, dhallinyarada waa in ay dhahaan Nabad baan rabnaa, wuu dhamaaday xilligii argagaxa, wuu dhamaaday xiligii khilaafka, gor gortan ka geli meyno dowlad baan rabnaa waa inay dhahaan dhallinyarada oo ay garab istaagaan dowladoodu” ayuu yiri Wasiir Maareeye.