Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Qaranka iyo qurba joog ayaa ka qeybgalay casho sharaf xalay loo sameeyay qoraaga Maxamed Sheekh Xasan oo bandhigii Buugaagta kaga qeybgalay magaalada Muqdisho.
Kooxda Waabari ayaa daahfurka xafladda ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa wadaniyadda iyo kuwa lagu soo dhaweynayo qoraaga Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in mecno weyn ay sameeneyso in qoraaga wixii uu bartay uu kula soo noqdo Dalka, isla markaana uu qoro buugaag badan oo dalka ka hadlaya.
“Runtii waxa ay mudnaayeen munaasabad midaan ka weyn waayo kaligooda waxa ay sideen inay wadanka kula soo noqdaan, waa mid bogaadin mudan, nabadda isbadalka Dalka ayaa keenay soo dhaweyntiina”ayay tiri Batuulo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo soo agaasimay barnaamijkaan ayaa sheegay in Maxamed Sheekh uu kaalin ka qaatay in aysan lumin taariikhda Soomaaliya, isla markaana uu mudanyahay in lagu deysado.
“Maxamed iyo Marwadiisa, waxa ay door muuqda ka qaateen inay uruurriyaan tariikhda iyo Afka Soomaaliga ah, taasi oo gacan ka geystay in uusan luminka Afka, runtii soo dhaweyn ayey mudan yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.
Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa kula taliyay Dowladda inay yeelato siyaasad lagu horumarinayo dhaqanka oo ay u istaagto in la sameeyo sharci lagu dhaqayo siyaasadda.
“Dowladda waa in iyada oo aan gacan kale ku tashan ay yeelato siyaasad ay ku horumariso dhaqanka ayna dib usoo celisaa Xarumihii Dhaqanka”
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ugu baaqay qurba-joogta kale in si la mid ah Qoraaga ay maskaxdooda iyo dhaqaalahooda u galiyaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.
“Inkastoo Dowladda aysan weli gaarin halkii loo baahnaa, haddana waxaan naga go’an in taariikhda la qoro, howsha uu hayo Maxamed waa qeyb ka mid ah howsheena”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa gaba-gabadii xaflada casho sharafta ah, waxa uu soo bandhigay buug uu ka qoray fanka Soomaaliya oo uu ku wareejiyay Kooxda Waabari iyo boorar sawir ka bixinaya dhaqanka Soomaalida.