Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha oo magaalada Garoowe ka furay madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe uga furay shir weynaha madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada qeybta ka ah Federaalka.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhammaan Wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo xubno matalaya hay’adaha dowlad-gobolleedyada iyo Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Jaamac Faarax Muuse , Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo ciyaaradaha Puntland ayaa furitaankii shirka ka sheegay inay Puntland soo dhaweynayso martigalinta shirkan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad u leh horumarinta iyo shaqaaleysiinta, waxaa kaloo uu caddeeyay Puntland inay qeyb ka tahay dowladda Federaalka ayna diyaar u tahay in la wada-hadlo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in shaqo abuur Qaran loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, si taas loo gaaranaya ay muhiim tahay wada-shaqeyn dhex marta dowlad-gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka.

“Waxaa na hor taalla shaqo ballaaran oo ah sidii aan dhallinyaradeena shaqo ugu abuuri lahayn, barnaamijkan madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, wuxuu u gogol xaaraya sidii lagu gaari lahaa shaqo abuur Qaran.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa oo marka caddeeyay bulshada Soomaaliyeed inay shirkan ka sugeyso si wadajir ah in looga soo saaro sidii loo abuuri lahaa siyaasadda shaqo ee dalka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalin ah ayaa gabagabadiisa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro qorshe qeexaya mustaqbalka shaqo iyo inay shaqo abuur helaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Tamarta oo kulamo muhiim ah la yeelatay madax ka socotay IOM iyo IGAD

Next Post

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Next Post
Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Guddigga Qorsheynta ee Golaha Shacabka oo shir muhiim ah uga furmay Dalka Rwanda "SAWIRRO"

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In