Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan.

Ugu dambayn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudiga+(SAWIRRO)

Next Post

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Next Post
Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska oo awaamiir ka soo saaray gaadiidka sumad la’aanta ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In