Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiiina oo ka wada hadlay Midnimada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal khadka taleefanka ah la yeeshay Mudane Wang Yi, Xubin ka tirsan Golaha Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shiinaha (CPC) ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen adkaysiga iyo xoogga iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo taageerada ay isu hayaan danaha aasaasiga ah. Waxay soo dhaweeyeen horumarka wanaagsan ee xiriirka labada dal, waxayna ku heshiiyeen in la sii xoojiyo kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wax ku oolka ah. Labada wasiir waxay carrabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada qaran, iyo ku dhaqanka mabda’a aan faragelinta arrimaha gudaha.

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageeradiisa buuxda ee ku aaddan wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’ayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhankeeda, Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee mabda’a Hal-Shiinaha (One-China Principle), dhammaan dadaallada Shiinaha ee dib-u-mideynta Qaran, iyo awoodda iyo ansaxnimada Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Resolution 2758.

Labada Wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, kaalmada horumarinta, is-dhaafsiga bulshooyinka, iyo iskaashiga dhinaca goleyaasha caalamiga ah, iyo sidoo kale horumarinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Ugu dambayn, labada dhinac waxay mar kale adkeeyeen in dhammaan dalalka ay ku dhaqmaan mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay ka horyimaadaan hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ee xiriirrada caalamiga ah, kana soo horjeedaan tallaabooyin qasab iyo cabsi gelin ah oo ku xadgudbaya madaxbannaanida dalalka kale

Previous Post

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

Next Post
Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed kala hadlay adkeynta Madaxbanaanida dalkeenna

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In