Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga oo kormeer howleed ku tegay Buulo burte “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Xulashada
0
Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga oo kormeer howleed ku tegay Buulo burte “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ay wehiliyeen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha gudaha ayaa markii ay gaareen garoonka Buuli burte waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga ayaa kormeer lug ah ku soo maray magaalada Buulo burte , gaar ahaan xarumihii ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay, kuwaasi oo kala ah Enji, xafiiskii hore ee Guddoonka, xafisyada dowladda Hoose, Maxkamadda Degmada, Isbitaalka kii hore, Isbitaalka bisha cas ku shaqeyn jirtay oo iminka lagu dabiibayo bukaano, kuwaasi oo qaarkood uu Wasiir Odowaa guddoonsiiyay kaalmo lacageed, waxaana inta ay Wafdiga kormeerka ku guda jireen ay Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Amniga ay bulshada ka xogwareysanayeen xaaladda amniga iyo tan bulsho ee ka jirta buulo burte..

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Intaas kadib Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha waxa ay kulamo la qaateen odoayasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo maamulka, iyagoo warbixino ka dhageystay qaarka mid ah odoayasha oo codsaday in dib loo furo waddada isku xirta Buulo burte iyo Jalalaqsi ee aada Jowhar.

Guddoomiyaha Degmada Buulo burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in degmada ay u baahantahay in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada, uuna ku faraxsanyaay in maanta wafdiga heer Wasiira ay gaaraan Buulo burte.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in degmada Buulo burte ay amnigeeda tahay mid la isku haleyn karo, isla markaana amniga ka baxsan magaalada ay kala shaqeyn doonaan ciidamaa xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, si dib loo furo isu socodka waddooyinka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay In ujeedka socdaalka ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda amniga ee degmada, isla markaana ay u qiimeyn lahayeen baahiyaha ka jirta degmada, si dib u dayactir lagu sameeyo xarumaha muhiimka ah.

“Ujeedka socdaalka waxaa ugu weyn labo arrimood oo kala ah in degmada Buulo burte ay u yimaadeen qiimeyn ay ku sameynayaan xag amni iyo tan bulsho, dib u dhisna lagu sameeyo xarumaha muhiimka ah, waxaan kaloo idin caddeyneynaa in digreetadii Madaxweynaha uu ku soo saaray in degmada Buulo burte ay tahay caasimad goboleedka, maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasiir odowaa ayaa xusay in sabtiga soo sacda uu Jowhar ka furmi doono shirka odoyaasha dhaqanka, uuna ku rajo weynyahay in uu mira dhalo shirka mamul u sameynta gobollada hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaana wafdiga ay gelinkii dambe ee maanta ay dib ugu soo laabteen caasimadda.

DSC00973 DSC00975 DSC00979 DSC00981 DSC00984 DSC00986 DSC00989 DSC00990 DSC00991 DSC00992 DSC00996 DSC01001 DSC01002 DSC01004  DSC01006 DSC01008 DSC01016 DSC01020 DSC01024 DSC01025 DSC01028 DSC01030 DSC01032 DSC01036 DSC01037 DSC01038 DSC01039 DSC01040 DSC01044 DSC01056 DSC01058 DSC01066 DSC01067 DSC01069 DSC01082 DSC01084 DSC01089 DSC01094 DSC01095 DSC01102 DSC01103 DSC01105 DSC01109 DSC01111 DSC01113 DSC01123 DSC01133 DSC01136 DSC01139 DSC01148 DSC01156 DSC01164 DSC01170 DSC01188  DSC01197   DSC01200 DSC01201 DSC01203   DSC01207    DSC01214 DSC01216 DSC01223 DSC01227 DSC01228  DSC01234 DSC01237 DSC01243  DSC01249 DSC01251  DSC01259 DSC01262 DSC01265 DSC01266 DSC01269 DSC01272 DSC01273 DSC01275 DSC01277 DSC01278  DSC01304  DSC01307 DSC01308 DSC01310 DSC01311 DSC01312  DSC01319 DSC01320 DSC01325 DSC01326 DSC01327 DSC01331 DSC01332 DSC01335 DSC01337  DSC01347 DSC01348

Maxamed Macalin Xasan White-ka

Previous Post

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhgiay gaari hoobiyaal laga soo tuuray Caawa

Next Post

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka XDS oo Kormeeray xeryaha Galkacyo+Sawirro

Next Post
Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka XDS oo Kormeeray xeryaha Galkacyo+Sawirro

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka XDS oo Kormeeray xeryaha Galkacyo+Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In