Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 18, 2018
in Wararka
0
Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho,  Wasiirada wax barashada & warfaafinta, agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta, Agaasimaha Tv-Qaranka & Agaasimaha Radiio Muqdsho ayaa furay tar-tan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay tabineyso warbaahinta qaranka isla markaana ay taaba gelinayaan  maamulka gobalka benaadir.

Ugu horreynba waxa hadalka qaatay Agaasimaha Tv-Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo u mahad celiyay masuuliyiintii soo maray gobalka iyo kan hadda Eng Cabdiraxman Yariisow, waxa uu soo hadal qaaday in markii hore culeysyo ka jireen ganacsiyaha gaarka ah oo mararka qaar shuruudahooda ay is diidanaayeen danaha guud.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa isna sharaxay heerarkii uu soo maray tar-tanka isagoo xusay xilli adag oo dadka ay Ka baqijireen kooxaha arga-gixisada balse xilligan uu marayo heer tirada codsadayaasha aad loo xadiday.

Siihayaha wasiirka warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay dhammaan qof kasta oo kaalin kulahaa tar-tanka, waxa uu si gaar ah ula dar-daarmay guddiga tar-tanka oo ugu baaqay Alle Ka cabsi, dadka wax heysto ayuu sido kale ku booriyay in ay afuriyeen dadka  aan wax heysan ee walaalahooda.

Markii ugu horreysay tar-tanka waxaa sanadkan Ka qeyb galay Wasaradda wax barashada oo uu wasiirkeeda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  isna muujiyay dareen ahaan sida uu ugu faraxsanyahay heerarka uu soo maray tar-tanka, waxa uuna ballan qaaday in ay Ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda, isagoo rajjo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Ka badan 27-kun ee maalin kadib u fariisan doono imtixaanka ugu dambeeyay ee dugsiga sare iyo dhammaan Ka qeyb galayaasha tar-tan aqooneedka bisha ramadaan ee warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka furitaanka qaatay guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar Yariisow, ugu horreynba waxa  u mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada warbaahinta qaranka dhabar adeegii ay muujiyeen diyaarinta & isu goobidda dhammaan Ka qeyb-galayaasha, waxa uu ku sheegay dadaalkaas in  uu yahay  mid kamid ah waajibaadka saaran wasaaradda, dhanka kale waxa  uu sheegay in wasaaradda ay waajib ku tahay in dadka ay Ka wacyi geliso wax yaabaha dhib ku ah, arrimo kale oo amniga iyo caawinta ayuu soo hadal qaaday dhammaan dadaaladaasi waxa uu duqa Muqdisho ku sheegay in ay tahay waajibaad saaran Ka gobal ahaan  oo ay La wadaagaan dowladda dhexe,  dhammaan dadaaladaasi ayuu u jeedkooda ku koobay in ay tahay isku-tashi.

Previous Post

Arooska Amiir Harry iyo Meghan waxaa ku baxaya adduun lacageed oo dhan Soddon Milyan oo Yuuro.

Next Post

Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Next Post
Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

September 18, 2025
0

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u...

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟓)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In