Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho oo si wada jir ah u daah furay tartanka aqooneedka Bisha Ramadan +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho,  Wasiirada wax barashada & warfaafinta, agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta, Agaasimaha Tv-Qaranka & Agaasimaha Radiio Muqdsho ayaa furay tar-tan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay tabineyso warbaahinta qaranka isla markaana ay taaba gelinayaan  maamulka gobalka benaadir.

Ugu horreynba waxa hadalka qaatay Agaasimaha Tv-Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo u mahad celiyay masuuliyiintii soo maray gobalka iyo kan hadda Eng Cabdiraxman Yariisow, waxa uu soo hadal qaaday in markii hore culeysyo ka jireen ganacsiyaha gaarka ah oo mararka qaar shuruudahooda ay is diidanaayeen danaha guud.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa isna sharaxay heerarkii uu soo maray tar-tanka isagoo xusay xilli adag oo dadka ay Ka baqijireen kooxaha arga-gixisada balse xilligan uu marayo heer tirada codsadayaasha aad loo xadiday.

Siihayaha wasiirka warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay dhammaan qof kasta oo kaalin kulahaa tar-tanka, waxa uu si gaar ah ula dar-daarmay guddiga tar-tanka oo ugu baaqay Alle Ka cabsi, dadka wax heysto ayuu sido kale ku booriyay in ay afuriyeen dadka  aan wax heysan ee walaalahooda.

Markii ugu horreysay tar-tanka waxaa sanadkan Ka qeyb galay Wasaradda wax barashada oo uu wasiirkeeda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  isna muujiyay dareen ahaan sida uu ugu faraxsanyahay heerarka uu soo maray tar-tanka, waxa uuna ballan qaaday in ay Ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda, isagoo rajjo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Ka badan 27-kun ee maalin kadib u fariisan doono imtixaanka ugu dambeeyay ee dugsiga sare iyo dhammaan Ka qeyb galayaasha tar-tan aqooneedka bisha ramadaan ee warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka furitaanka qaatay guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar Yariisow, ugu horreynba waxa  u mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada warbaahinta qaranka dhabar adeegii ay muujiyeen diyaarinta & isu goobidda dhammaan Ka qeyb-galayaasha, waxa uu ku sheegay dadaalkaas in  uu yahay  mid kamid ah waajibaadka saaran wasaaradda, dhanka kale waxa  uu sheegay in wasaaradda ay waajib ku tahay in dadka ay Ka wacyi geliso wax yaabaha dhib ku ah, arrimo kale oo amniga iyo caawinta ayuu soo hadal qaaday dhammaan dadaaladaasi waxa uu duqa Muqdisho ku sheegay in ay tahay waajibaad saaran Ka gobal ahaan  oo ay La wadaagaan dowladda dhexe,  dhammaan dadaaladaasi ayuu u jeedkooda ku koobay in ay tahay isku-tashi.

Previous Post

Arooska Amiir Harry iyo Meghan waxaa ku baxaya adduun lacageed oo dhan Soddon Milyan oo Yuuro.

Next Post

Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Next Post
Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday deegaannada Puntland iyo Soomaaliland

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In