Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidammadda Dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ballaaran oo ciidanku ay ku adkeynayaa howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Magaalada, isagoo farriin u diray Ciidammadda Boliiska kaas oo ku aadan inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka xilliyada howlgallada ay socdaan.
“Boliiska meelwalba ay joogaan Nabad Sugidda waxaan kula dar-Daarmayaa inaad saaxiib la noqotaan shacabka oo aad noqotaan dad Aqlaaqleh oo dadka u gargaara ,wax fiican maaha inaad dadka qoray ku qabataan haddii ay dhici jirtay hala joojiyo, tusaale u noqda ciidanka kale” Ayuu yiri wasiirka amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Guud ahaan Ciidammadda Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa saaran waajib ah inay si wanaagsan oo Aqlaaq leh ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed , taas oo ka dhigan in si fudud loo helo bulsho iyo ciidan wada shaqeeya si isku mid ahna uga hortagaCadowga Al-shabaab.