Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

shir looga hadlayo qaab dhismeedka Ciidanka Booliska oo muqdisho ka furmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalin ah isla markaana diirada lagu saari doonaa qaab dhismeedka ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Boolsika heer Qaran iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa maanta furay Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyadoo ay halkaasi  goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo  khubaro dhanka sharciga ah.

Ka qeybagalayaasha shirka ayaa si aad ah uga dooday  kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhiso awoodda Booliska.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

February 16, 2026
Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

February 16, 2026

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed intuba.

“Shirkan oo uu maanta noo furay Wasiirka Amniga, wuxuu daba joogaa shirkii bishii hore Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama Dowlad goboeledyo ay dalka ka jira, kuwa hadda ay dhsimayaan marka waxaa lagama maarmaan noqotay in arrintaas laga tashto”ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xusay in arrimaha ka qeybgalayaashu ay diiradda saarayaan ugu muhiimsna tahay in la qeexo doorka iyo shaqada Booliska Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah isla markaana ay u saareen guddi farsamo oo cadeyn doona arrintaasi.

“Muxuu noqonayaa doorka Booliska Federaalka iyo kuwa Gobolada arrimahaas ayaa laga hadlayaa oo aan maanta u joognaa shirkaan aan furay oo socon doona muddo saddex maalin ah, guddi farsamo ayaana arrintaas u magacaawnay, iyaga ayana arrintaasi u dhaafeynaa si ay uga doodaan, waxna uga soo saaraan ujeedka ugu weyn waa arintaasi”ayuu yiri Wasiirka amhiga gudaha.

Shirkan looga hadlayo qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maanta ka furmay magaalada Muqdsiho ayaa daba jooga shirkii magaalada Nairobi ka dhacay Bishii hore ee looga tashanayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Booliska heer Federaal iyo kuwa Gobolada, maadaama dalka ay dhismeen Dowlad Goboleedyo kuwa kalena la filayo in hadda la dhiso.

Previous Post

Roobabka gu’ga oo ka curtay gobolka Galgaduud

Next Post

Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay”SAWIRRO”

Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay"SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

February 16, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver...

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

February 16, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga...

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

February 16, 2026
0

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

February 16, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In