Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

shir looga hadlayo qaab dhismeedka Ciidanka Booliska oo muqdisho ka furmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalin ah isla markaana diirada lagu saari doonaa qaab dhismeedka ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Boolsika heer Qaran iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa maanta furay Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyadoo ay halkaasi  goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo  khubaro dhanka sharciga ah.

Ka qeybagalayaasha shirka ayaa si aad ah uga dooday  kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhiso awoodda Booliska.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed intuba.

“Shirkan oo uu maanta noo furay Wasiirka Amniga, wuxuu daba joogaa shirkii bishii hore Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama Dowlad goboeledyo ay dalka ka jira, kuwa hadda ay dhsimayaan marka waxaa lagama maarmaan noqotay in arrintaas laga tashto”ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xusay in arrimaha ka qeybgalayaashu ay diiradda saarayaan ugu muhiimsna tahay in la qeexo doorka iyo shaqada Booliska Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah isla markaana ay u saareen guddi farsamo oo cadeyn doona arrintaasi.

“Muxuu noqonayaa doorka Booliska Federaalka iyo kuwa Gobolada arrimahaas ayaa laga hadlayaa oo aan maanta u joognaa shirkaan aan furay oo socon doona muddo saddex maalin ah, guddi farsamo ayaana arrintaas u magacaawnay, iyaga ayana arrintaasi u dhaafeynaa si ay uga doodaan, waxna uga soo saaraan ujeedka ugu weyn waa arintaasi”ayuu yiri Wasiirka amhiga gudaha.

Shirkan looga hadlayo qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maanta ka furmay magaalada Muqdsiho ayaa daba jooga shirkii magaalada Nairobi ka dhacay Bishii hore ee looga tashanayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Booliska heer Federaal iyo kuwa Gobolada, maadaama dalka ay dhismeen Dowlad Goboleedyo kuwa kalena la filayo in hadda la dhiso.

Previous Post

Roobabka gu’ga oo ka curtay gobolka Galgaduud

Next Post

Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay”SAWIRRO”

Kulan looga hadlaayay dariseynta oo Dharkeeynleey lagu qabtay"SAWIRRO"

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In